SHIRKII GARABKA FAYSAL CALI WARAABE EE XISBIGA UCID OO HADA KA FURMAY HARGAYSA.

Hargaysa (GNN) garabka katirsan xisbiga Ucid ee uu hogaaminayo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa saaka uu  shirwaynihii aan caadiga ahayn ee maxkamada Sare ee Somaliland ay go’aamisay in uu qabsado xisbiga Ucid uu uga furmay Hargaysa.

Shirkan oo ka socda hudheel ku yaala koonfurta bari ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay ergooyin kakala yimid gobolada dalka iyo marti sharaf lagu soo casuumay oo ay kamid yihiin  xubno ka socday xisbiga Kulmiye.

waxaa sidoo kale shirkan lagu marti qaaday xisbiga Mucaaradka ah Waddani balse kama uu soo qayb gelin madasha shirka Waxaa gabi ahaanba ka maqan madasha shirka garabka uu matalayay musharaxa madaxwaynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.

Waxaa isna xalay dhiniica ku dhawaaqayn Jamaal Cali Xuseen in uu shir barito oo ah maanta ahaan in ay shir ku qabsandoonaan Hudheelka Maansoor.

Xalay ayay ahayd markii salaadiinta beesha Subeer Awal ay xukuumada Somaliland ka codsadeen in lajoojo shirarka ay ku baaqeen lnay qabanayaan labada garab ee xisbiga Ucid uka jabay.

 

GABILEY.NET KALA SOCO WARARKII U DAMBEEYAY