Somaliland Iyo Khaatumo Oo 17-Ka Bishan Kala Saxeexanaya Heshiis Iyo Xisbiga Waddani Oo Lagu Eedeeyey In Ay Khalkhalinayaan Heshiiskaasi

Hargeysa(GNN)-Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Gallaydh, ayaa la sheegay in ay 17-ka bishan aynu ku guda jirno kala saxeexan doonaan Heshiis la xidhiidha wada hadalladii muddooyinkii u dambeeyeyba socday ee Somaliland la wadday Khaatumo.

Kulan dhowaan ku dhex Maray Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaamiyaha Khaatumo dalka Itoobiya, ayaa loogu ballamay kulanka xiga bishan 17-keeda in ay iskugu soo laabtaan labada dhinac wada hadalladaasi oo ay ku kala saxeexan doonaan heshiis aan la shaacin qodobadiisa, balse la aamin san yahay in uu yahay natiijada wada hadallada socda.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey shir xisbigiisu qabsaday, ayaa sheegay in bishan dhexdeeda loo ballamay in labada dhinac ay kala saxeexdaan heshiis, waxaanuu ku eedeeyey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay heshiiskaasi ku khal khaliyaan, isaga oo tilmaamay in kulan uu guddoomiye cirro kula yeeshay Itoobiya Cali Khaliif Gallaydh kagala hadlay in aanuu heshiiskaas gelin.

Eng Faysal Cali Waraabe  oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa maanta socota heshiisyo khaatumo ah oo gacan weyn ayaan ka geysannay waxaana la doonayaan in la helo dalkeenna oo mid ah, waxa jirta dabeecad ay leeyihiin mucaaridku oo ah in aanay waxba socon illaa inta ay iyagu kursiga fadhiisanayaan, waxaan ogaaday in axsaabta qaranka qaar jecelyihiin in ay dibin daabyeeyaan oo ay dib u dhigaan oo ay khalkhaliyaan Pro Cali Khaliif, taasi waxa ay noqotay in heshiiska la gaadhayo 17-bisha  ayaa laga hor tegayaa in uu dhoco, waxaan idiin sheegayaa in dad reer Somaliland ahi kula kulmiyee Cali Khaliif Addis-ababa oo ay ku yidhaahdeen heshiiska ha gelin xukuumaddani way dhacaysaa waxba qaban mayso oo borobogaando ayey ku fureen, waxaan ku guubaabinayaa reer khaatumo in aanay kalmadahaas maqal oo ay ballantu sidii loogu ballamay ee 17 bisha ay ugu socoto” ayuu yidhi Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe.

 

Gabiley.net