Wayne Rooney Oo Ka Xanaaqay Sida Loola Dhaqmayo Ka Dib Fadeexadii Lagu Sawiray Isagoo Cabsan.

Wayne Rooney ayaa ka xanaaqay sida loola dhaqmay ka dib fadeexadii la xiriirtay khamri cabistiisa isagoo ku maqan xulka England.

Rooney ayaa raaligelin dadweyne bixiyay ka dib markii ay soo muuqdeen sawiro isagoo si daran u cabsan islamarkaana aan awoodin inuu istaago ama indhaha kala furo ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen Scotland.

In badan oo asxaabtiisa xulka ka mid ah ayaa iyagana gudaha u galay London si ay u dabaaldegaan laakiin sawiro iyaga ku saabsan lama baahinin.

image-rooney-watermark

Isagoo hadlayay ka dib kulankii ay Man United barbaraha 1-1 la gashay Arsenal oo uu bedel ku soo galay, waxa uu Rooney yiri: “Waxaan dareemayaa sida in warbaahinta ay isku dayayso inay qorto ogeysiiska dhimashadeyda, taasna ma ogolaan doono. Waxa socda waa sharafdhac.

“Waan ku faanayaa inaan u ciyaaro wadankeyga, waana ku faanayaa guulihii aan gaaray. Weli igama dhamaanin. Waxaana qabaa in waxyaabaha la wado ay yihiin meel ka dhac.

“Waxa ay soo bandhigeysaa ixtiraamdarro, waxaan qabaa in halkaas lagu joojiyo. Intaas ayaana ka oronayaa.”