Xubnaha Gudida Dawlada Somaliland Uga Qayb Galaya Wada hadalada Ay La Furayaan Kooxda Khaatumo Oo La Filayo Inay U Baxaan Magaalada Addis-ababa Ee Dalka Itoobiya

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in la filayo inay u baxaan magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya xubnaha gudida ah ee uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay inay matalaan dawlada Somaliland isla markaana ay wada hadal toos ah lasoo furaan xubno iyaguna ka socda kooxda Khaatumo ee uu horjoogaha ka yahay Cali Khaliif Galaydh.

Waxaana ay wararku sheegayaan in xubnahani ay magaalada Hargeysa ka bixi doonaan todobaadka soo socda hadii alle yidhaa iyaga oo wada hadal toos ah-na uu magaalada Addiba uga furmi doono  xubno iyaguna ka socda kooxda uu horjoogaha ka yahay Cali KHaliif Galaydh.

Wada hadalkan oo loo balansanaa inuu furmo 17 bishan gabaabsiga ah ee aynu ku jirno ayaa dib u dhacay kadib dalab ka yimi dhanka kooxda Khaatumo,waxaana loo balamay kulan danbe.

Wada hadalkan u furmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa nuxurka ujeedada ugu wayn ee laga wada hadlayaa waxay tahay sida naloo sheegay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dagaalada is daba jooga ah ee ka dhaca gobolada bariga Somaliland xaaladana loogu soo celin lahaa nabad.

Xubnahan Somaliland matalaya ee wada hadalka la furaya kooxda Khaatumo isla markaana la filayo inay todobaadka soo socda ka amba baxaan magaalada Hargeysa   ayaa waxa kamid ah sida ay xoguhu noo sheegeen Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo dalka dib ugu soo laabtay, wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi,wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye,wasiirka warfaafinta  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani” gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo xubno kale.

Dhanka kalena xubnaha kooxda Khaatumo uga qayb galaya wada hadaladan ayaa waxa kamid ah Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, Maxamuud Ismaaciil Shabbac, Axmed Xaaji Cali, Baayar Mahdi,Cali Ciise Cabdi, Cabdikariim Xasan Jaamac,Cabdirashiid Maxamed Faarax, Abshir Cawil Cabdidhiif.

Waxaana wada hadalkan u furmaya dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo lagu wadaa inuu furmo horaanta bisha 12-aad ee inagu so fooda leh,iyaga oo magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiyana uu ka furmayo wada hadalkani.

Log1