Guddida Hay’adda EAD ayaa ku wareejisay tabarucaad Gudida Abaaraha ee Heer Qaran.

Guddida Hay’adda East Africa Development (EAD) ayaa maanta 26.12.2016 ku wareejisay deeq lacaga oo dhan 28,976,000 SL Shillings  Guddida Abaaraha ee Heer Qaran. Lacagtaa oo si wada jir ah ay u soo direen  EAD Holland iyo EAD UK waxaa loogu  talo galay in lagu kaalmeeyo bulshada reer Somaliland ee abaaruhu ku waxyeeleeyeen gobolada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa deeqdaa guddoonsiiyey Guddida Abaaraha  Axmed Ibrahim Qalib (Kadleye), Guddoomiyaha Hay’adda EAD,  iyo xubno ka tirsan guddida EAD UK. Guddoomiyuhu  waxa uu si weyn ugu mahadnaqay guddida EAD iyo dhammaan qurbajoogta sida walaaltinimadu ka muuqato usoo caawiyey dadkooda baahan.

Hay’adda EAD  waxa ay mar walba hormood ka tahay Arimaha Samafalka iyo Horumarka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo in ay abaabusho qurbajoogta reer Somaliland maalinta baahi adag ay timaaddo.  Markaas guddida EAD waxay baaq degdega u diraysaa dhammaan qurbajoogta reer Somaliland in ay si hagar la’aana uga soo qayb qaataan gurmadka loogu gurmanaayo walaalaheenna abaaruhu ku habsadeen.

Si aan caawimo shisheeya innooga timaadda uga maaranno waxaynu u baahannahay inaymu innagu is taakulayno oo isku tashanno. Abaarihii gobollada galbeed ee sannadkii hore, qurba-joog iyo qaran-joogba si hagar la’aan ah oo wada jir ah ayaan uga qayb qaadannay taakulayntii dadkeenna, maantana taasi mid la mid ah ayaa la innooga baahan yahay.

Guud ahaan gobolada galbeed ee Somaliland waxaa ku soo qaxay boqollaal kun oo ah dadkaasi ay abaaruhu soo baro kiciyeen. Dadkaasi xaalad adag ayey ku jiraan waxaanay iyaguna u baahan yihiin taageero  degdega in la gaadhsiiyo.

Tix gelin

Guddida EAD

 

www.eastafricadevelopment.org

Info@eastafricadevelopment.org

Tele: Holland 0031684941903 UK +447508621456 Canada +14162970513 Somaliland +252633291866