Daawo Sawirada Xafladii Qallinjebinta Dhakhaatiirta Somaliland ee Ethiopia. W/D: Agaasimaha Ardayda Iyo Jaaliyada Ethiopia : Aqoon Yahan: Siciid Abokor xirsicadaan

Xafladii Qallinjebinta Dhakhaatiirta Somaliland Addis-Ababa Ethiopia. W/D: Agaasimaha Ardayda Iyo Jaaliyada Ethiopia : Aqoon Yahan: Siciid Abokor xirsicadaan

Arday badan oo wax ka barta ayaa jira Ethiopia, iyado sanad walba ay soo qalin jabiyaan arday fara badan
kuwaaso oo isugu jira Science iyo Art iyo qaybo kale oo fara badan,jamacadaha Ethiopia waxay so saaran
arday dhakhtir oo Somaliland ah. Sandkan oo ahaa kii ugu badnaa ee arday Somaliland kaso jeeda oo
dhakhatira ay ka qalin jabiyaan jamcada Ethiopia. Iyado jamcada dawalda ay ka qalin jabiyeen arday
dhakhaatiir kuwaas oo deeq waxbarsho ka heshay kuwasi oo isugu jiray takhasusad cafimaad iyo dhakhtir
cadiya, sido kale waxa jira arday ka qalin jabisay jamacadaha gaarka ah kuwaas oo ah 9 dhakhtar, Waa
wax ilahay loogu mahadnaqo umada somaliland oo sanadka ay usoo qalin jabiyeen dhakhtir gadhaya 20
oo isugu jira takhsusad iyo dhakhtir cadiya.
Ururka ardayda Somaliland ee ethiopia oo sanad walba loo so dorto si xor iyo xalala hatana dhisnaa muda
gadhaysa 5 sano, kasi oo sanad walba gala dorasho xor iyo xalala laguna soo dorto gudomiye iyo gudi
kale ayaa ka shaqeya isku xidhka ardayda sido kale isku xidhka safarada iyo ardayda, kaso oo dhisidisa
marki hore ay ka shaqaysay safarada somaliland ee ethiopia si ay u midayso ardayda somaliland ee wax
ka barta ethiopia,
Ururka ardayda Somaliland ee ethiopia oo so qaban qabiyay Xaflada dhakhtirta Somaliland oo ahayd
madal aad u qurux badan wax qayb libax leh ka qatay safarada Somaliland iyo masuliyintoda ugu sareya
kuwaas oo mar walba la garab tagan ardayda wax ka barta ethiopia hiiliyo hooba.
sido kale wax qayb libaax ka qatay xafladan aad ka u qurux badanyd wafti ka socotay wasarada
waxbarashada,
waftigaas oo ethiopia u jogay deeqdi waxbarasho ee dalka aynu walalaha nahay ee Ethiopia, Somaliland siisay .
weftiga waxa hor kacaayey agaasimaha waxbarasha : maxamed jama
madaxa imtixaanaadka w.waxbarashada JSL Daaud Ahmed.
Madaxa Maaliyada w.waxbarashada JSL MAMO farxiya .
waxayna wadeen ardaydii deeqda waxbarasho helay oo isugu jiray heerka koobaad ee jamacada (under
graduate iyo heerka labaad-ba (post graduate).
Ardaydii deeqda waxbarasho ka heshay gobolada fog-fog ee dalka ethiopia, u kala diray goobahoodii,
gudida arday Somaliland ee adiss ababa oo kaashanaya safarada iyo weftiga waday arday , waxana arday
si nabad iyo xasillooni ah loogu wada hubsaday jaamacadahoodi , waxa ayana aan la iloobi karrin
orientation-kii ay u sameeyen guddidu, arday-da deeqda waxbarasho ahayd ayadoo oo safaaradu aad
uga qayb qaadatay ,taas oo aad wax uga bedeshay ardaydii fresh ka ahayd qalladi ay ka qabeen goboladi
Say tegeyeen.
W/D: Agaasimaha ardayda iyo jaaliyada Ethiopia : Aqoon yahan: Siciid Abokor xirsicadaan