Daawo: Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Hanjabaad iyo Amar is-barkan u Diray Hay’adda UNICEF Xafiiskeeda Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa Warqad u qoray Hay’adda UNICEF Xafiiskeeda Hargeysa, taasoo uu kaga dalbaday inay raalligelin kaga bixiyaan Dhaqan-xumo uu ku eedeeyey mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaas, isaga oo ugu hanjabay haddii ay raalligelintaas bixin waayaan inay saamayn doonto xidhiidhka ka dhexeeya Hay’adda iyo Wasaaradda.
Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi-Dheere, ayaa ka cadhooday baahinta Mashruuc ay ku baxayso 21 Milyan oo Doollar oo muddo saddex sannadood ah soconaya, laguna taageerayo Waxbarashada Somaliland, kaasoo ay ku guulaysatay Hay’adda UNICEF, hase-yeeshee uu isagu caddeeyey inuu si badheedh ugu diiday, siiyeyna Hay’adda Save the Children, kaasoo ay Warbaahinta qaarkeed xogo iyo muuqaallo Shirkii uu ugu diiday Mashruucaas ka heshay, isla markaana baahisay.
Codsiga iyo Hanjabaadda Warqadda Xambaarsan ee uu Wasiirka Waxbarashada Somaliland u qoray Xafiiska ay UNICEF ku leedahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ku taariikhaysan 29/11/2016, ayaa Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, taasoo ku qornayn Luuqadda Ingiriisida, balse aannu Soomaali u soo turjunnay, waxay u dhignayd sidan hoos ku qoran:-
“Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxay waydiinaysaa Xafiiskiinna Hargeysa inuu Raalligelin buuxda ka bixiyo dhaqan-xumada iyo dabeecad-xumada uu muujiyey Xubinta Shaqaalihiinna ka tirsan ee Md. Maxamed Cabdi Sh. Axmed, ka dib ku dhawaaqistii cidda ku guulaysatay Mashruuca Of GPE 28/11/2016.
Haddii aad ka bixin waydaan raalligelin aad siisaan Wasaaradda Waxbarashada, waxaannu dib uga fiirsan doonnaa xidhiidha ka dhexeeya UNICEF iyo Wasaaradda Waxbarashada.” Sidaa ayuu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo ku saxeexnaa isagu Warqaddaas ku yidhi Qoraalkiisa. Waxaanay Warqaddaas oo ku qoran Luuqadda Ingiriisada u dhignayd sidan hoos ka muuqata. Kilig-garee Qoraalka Wasiirku Waxbarashadu u Diray UNICEF.
Sidoo kale, halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Aftahannews helay ee shirkaas ee uu ka xanaaqay Wasiirka Waxbarashadu hadalladii ay is-waydaarsadeen Masuul ka socday UNICEF iyo Wasiirka Waxbarashada oo caddaynaya inuu Mashruucaas ay ku guulaysatay isagu u diiday UNICEF; Daawasho wacan oo wanaagsan Muuqaalkan Hoose:-