Dawlada Israa’iil Oo Si Cadho Leh Ganafka Ugu Dhufatey Qaraar Xalay Ka Soo Baxay Qaramada Midoobay Iyo Nooca Uu Yahay Qaraarkaasi

Israel(GNN):-Dawlada Israa’iil ayaa si cadho leh uga jawaabtay qaraar uu Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaga dalbaday inay joojiso dhismooyinka deegaamaynta ah ee ay ka waddo dhulka Falastiin ee ay haysato.

Ra’iisul wasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil aanay aqbali doonin shuruudaha ku jiro qaraarka kaasi oo uu ku tilmaamayba inuu yahay mid ceeb ah yahay

Israa’iil ayaa wadatashi ugu yeedhtay safiiradeeda u fadhiyay dalalka New Zealand iyo Senegal, labadan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii dabada ka waday qaraarka Qaramada Midoobay, sidoo kale Israa’iil waxa ay jartay dhammaan mashaariicdii gargaarka ee ay siin jirtay dalka Senagal.

Afhayeen u hadlay Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qaraarka uu ka dhigan yahay guul u soo hooyatay sharciga caalamiga ah.

Qaraarka ayaa la meel mariyay kaddib markii Mareykanka oo aad u taageera Iraa’iil uusan adeegsan diidmada qayaxan.