Guddida Gurmadka Abaaraha oo ka Shiray Xoojinta Qorshaha ay ku Hawl-galayaan

Hargeysa (GNN)- Guddida gurmadka abaaraha heer qaran ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caawa shir lagu xoojinayo kaalintooda taakulaynta dadka tabaaleysan waxay ku yeesheen xarunta madaxtooyadda, waxaana shirkaasi guddoominayay Wasiirka madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha guddidaas.

Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xarunta madaxtooyadda Somaliland, waxaana lagu sheegay in Guddidu ay ka wada hadashay sidii loo sii xoojin lahaa hawshooda isla markaana waxa lagu soo qaaday deegaannada toddobaadyada soo socda awooda lagu saari doono. Qoraalkaasina isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:- “Guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, oo muddooyinkan ku hawlanaa sidii deeqaha ka kooban raashinka iyo biyaha loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen, ayaa caawa kulan xog waran iyo xoojin ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada.

kulankan oo saacado badan qaatay ayaa xoogga lagu saaray sidii deeqaha raashinka iyo biyaha ka kooban loo gaadhsiin lahaa deegaamada ay abaarta ba’ani biyo iyo baad tirtay halkaas oo sidoo kale xogo khadka taleefanka (telephone) ah lagaga dhagaystay xaalada dhibta iyo heerka ay taagan tahay guddi hooseedyada taakulaynta abaaraha ee heer gobol.

Guddida oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd gaadhsiinta deeqda dawlada iyo muxsiniintu u hibaynayeen walaalahooda taagta iyo tamarta daran ayaa goobta lagu xusay tirada baxday iyo inta qorshaysan ee maalmaha soo socda gaadhi doonna deegaamada abaartu diiratay.Waxaa sidoo kale dib loo eegay mudnaanta deegaamada maalmaha soo socda la gaadhsiinayo deeqaha iyadoo laga eegayo dhinaca xaalada xaalufka.

ugu dambayn shirkan oo u gudoominaayey guddoomiyaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Abaaraha Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku soo xidhmay qorshe hor leh iyo fulin loo balamay waxaanay ku soo gunaanadeen duco iyo in ay Illaahay ummada u baryeen Naxariis biyo iyo baad ba leh oo Deeqluhu ugu deeqo umaddiisa.”