Shirkada Telesom Oo Warbaahinta Kala Duwan Ee Ka Baahisa Warbixinaha Bulshadu Ka Qorto, Falcelin Uga Dhigtay Inay Ka Xidho Adeegeeda Internetka Si Aan Bulshada Isticmaashaa Uga Buuqan Karin.

Hargeisa(GNN):-Warbaahinta Kala Duwan Oo ka Duulaysa inay Baahiso Ama Soo Bandhigto Baahiyaha Kala Duwan Iyo Dhibaatooyinka Shacabku Qabaan, Islamarkaana Ka Duulaya in In Cid kasta Oo Waxyeelo Soogaadhsiisa umada Maatida ah Haddii ay Tahay Shirkad iyo haddii ay tahay Shaqsiyaadba Si aan Gabosho lahayn u bandhigaan, Warbaahin kala duwan oo ay kamid tahay Shabakada Caalmiga Ah ee Gabiley News Nework, Waxay Bilihii u danbeeyey Si Toosa U gudbinaysay Aragtiyaha Maqaalada iyo Warbixino ka Turjumaya Dhibaatooyinka iyo Waxyeelada Kala duwan ee Shirkada Telesom Shacabka Ku hayso, Waxaana Taasi Bedelkeeda Shirkada Telesom Oo ka Duulaysa Awood Kasta oo Ay Kula Dagaalami lahayd Faafinta iyo In Shacabka Loo Bandhigo Aragtiyahaasi Miciin Biday Inay Ka Xidho Shabakada gabiley News Network iyo Shabakado Kale Dadka adeegsada Khadkeeda Internetka Si Aaney Uga Buuqan Karin,
Falalka Noocan Oo Kale Ah oo Ka Hor imanaya Shuruucda Qaranka Iyo Sharciyada Nimdaam Ganacsiyeedka Ayaa Noqonaya Gabood Fal Ka Dhan Ah in Si Toosa Loo Gudbiyo Khasaaraha Iyo Dhibka Kasoo Gaadha Shacabka Maatida Ah Inyar Oo Doonaysa Inay Kaligeed Noqoto Dulin Ku Dul Nool Shacabka,

Hadaba Inkasta Oo Talaabada Ay Shirkadani Kula Dagaalamayso Warbaahinta Noqonaynin Mid aan Ka Hor istaagta Shaqada Ay Shacabka U hayaan, Waxaa iyada oo laga Duulayo masiirka Umada Si aan hagrasho Lahayn Aanu Toos Ugu Dhabo Gali Doonaa Dhibaatooyinka Shacabka Kasoo gaadhay Shirkada Telesom,
Tusaale Ahaan:- Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Hargeisa Waxaa Boqolkiiba Sodon 30% Ay ka Cawdaan Xanuun Kala Duwan Sida Faaliga, Wadne Xanuunka, Dhalmo La’aanta, Kanserka Kala Duwan ee Ku Dhaca Ragga iyo Dumarka, (cancer), ilmaha Caloosha Ku Jira Oo kasoo Dhaca Hooyada Uurka Leh Iyo Xanuuno Kale, Intaas Oo Kala duwan oo Xanuunba Waxaa Shacabka Ku Sababay Taawarada Si Sharciga iyo Qaanuunka Aadamaha Ka baxsan Ee Tobankii Talaabo Marka aad Qaadaba Ay ku sameysay Xaafadaha iyo Degmooyinka Kala Duwan Ee dalka, Mana Jiro Cabir Iyo Qiyaas Cilmi Ku dhisan oo Ay ku sameysay Dhibaatada Shacabka Kasoo Gaadhikarta Khatarka Radiation ka Kasoo burqanaya Tower-radani, Iyadoo Magaalada Hargeisa Xaafadaha Qaar Ay ka Dhacday in Dad waayeel Ah Oo Ay Asiibeen Xanuuno Kala Duwani Kadib Markii laga Dultaagay Birahaasi Ay u Dhinteen, Shacabka Ka Agdhow Taawaradaasi Cabashooyin Xoogan Oo Ay ka Muujiyeen Dhimashadan Dahsoon ee Aaney Jirin Cid Uga Damqataa Waxaa Shirkada Telesom Dhaqaale iyada Oo u Adeegsaneysa Ay Kala Dagaalantaa in Warbaahinta Kala duwan Ay Ka Baxaan,

Sikastaba ha Ahaatee Shabakada Gabiley News Network Waxay Dabagal iyo Baadhitaano Ku Qotoma Dhibaatooyinkaasi Ay Bulshada Soo Gaadhsiiso Shirkada Telesom U Soo bandhigi doontaa Toosa, Waxaana Aanu Barnaamijyo Muuqaal Ah Idiinka Soo Diyaarindoonaa Dadka Ay Mu’halakadani kasoo Gaadhay Telesom, anagoo waraysiyo toosa la yeelan doona dadka ay ka agdhowyihiin Taawaradani iyo Waxa Ay ka Dhaxleen,

La Soco Warbixino Ku Qotoma Xaqiiqada Dhabta Ah ee Shacabka Kasoo Gaadha Shirkada Aan U Aabo yeelin Umada Ay ku dhexganacsato Ee Telesom

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network