Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Dalal Badan Oo Deeq Bixiyayaasha Caalamka Kamid Ah Oo Somaliland Kusoo Waajahan+Wakhtiga Iyo Ujeedada ……

Waxaana waftigan ay ka socdaan jumciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo 10 dal oo deeq bixiyayaasha caalamka ka mid ah,waxaana waftigan hogaaminaya wakiil ku xigeenka u qaabilsan jumciyadda quruumaha ka dhaxaysa  arrimaha samafalka bini’aadamtinimada ee Somaliland iyo Somaliya.

Waxaana la filayaa inay dalka yimaadaan 21-bishan aynu ku guda jirno oo ku beegan maalinka arbacada,waxaana ujeedada ugu wayn ee ay u imanayaan ay tahay sidii ay deeq iyo  gurmad deg deg ah usoo gaadhsiin lahaayeen dadka dariska la noqday diifta,daranyada,diihaalka iyo macaluusha ay sababtay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolada bariga Somaliland.

Gabagabadiina waftigan balaadhan ee imanaya dalka ayaa iskugu jira kuwo ay imaanshahooda qayb laxaadle ka qaaateen madaxwayne Siilaanyo iyo waliba gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna murashaxa Madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalaa Nairobi ee dalka Kenya kulamo-na la qaatay safiirada dalal badan oo dunida kamid ah una fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana kala hadlay sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen gurmadka iyo taakulaynta dad ay abaaruhu saameeyeen.