War Deg Deg Ah:-Abwaan Boon Xirsi Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargeisa(GNN):Alle haw naxariistee waxa goor dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Boon Xirsi oo ka mid ahaa abwaanadii waa weynaa ee fanka soomaaliyeed.

Abwaan Boon Xirsi ayaa ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa, isaga oo xanuun ku soo booday u jiifay gurigiisa.

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Gabiley News waxay dhambaal tacsi ah gaadhsiinayaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday alle haw naxariistee Abwaan Boon Xirsi, waxaanay marxuunka ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo