Xarun Lagu Qaboojinayo Kalluunka Oo Laga Dhagax Dhigay Degmadda Bullo-xaar

Wasiirrada wasaaradaha Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed iyo Caddaalada Axmed Faarax Cadarre ayaa shalay dhagax dhigay xarunta qaboojinta kaluumaysiga degmada Bullo-xaar ee gobolka Saaxil. Xaruntani oo loogu tallo-galay in lagu qaboojiyo kalluunka marka ay badda kala soo baxaan kalluumaysatadda maxaliga ah si aanu uga xumaan haddii uu muddo yaallo, ayaa waxaa laga maalgelinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Munaasibadii lagu dhagax dhigayay xaruntan cusub ee lagu qaboojinayo kalluunka oo ka qabsoontay tuuladda Bullo-xaar ee gobolka Saaxil, ayaa masuuliyiintii hadaladda ka jeediyay waxay ka warameen baahida loo qabay in xaruntaasi la helo.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha Cali Jaamac Buureed, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dar-daarmay kalluumasatada degmada Bullo-xaar in ay ka faa’iidaystaan xaruntan lagu qaboojinayo kalluunka ee loo dhisayo, “Haddii wax la dhiso, oo uu iska dumo sida gurigaa la dhisay ee iska dumay, hadhow-na la waayo wax ku shaqaysta oo bacaadku afka ka qodo, kadib-na ay qasaarto lacagtii lagu dhisay, idinku-na aydaan ka faa’iidaysan, anaguna tacabkii aanu soo gelinay aanu ku khasaarno.

Markaa waxaan idiin soo jeedinayaa in aydun ka faa’iidaysataan. Haddii aydaan Badda wax kala soo bixin waa khasaare, waana la idin tababarayaa shirkadoo ayaana la idiin keenayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Axmed Faarax Cadare, waxaanu yidhi, “Xaruntan lagu qaboojinayo kalluunka ee la dhax dhigay, waxay ka mid tahay siyaasada uu nagu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo. Horumarinta wax soo saarka kalluumaysiga iyo beeraha oo ah laba khayraad oo ILLAAHAY ina siiyay, waxaana loo baahan yahay awoodii aad kula soo bixi lahayd.” “Markaa waan uga mahad naqayaa wasaarada kalluumaysiga dhiiri gelinta ay wadaan ee ah wax soo saarka kalluunka, waxaanan rejaynayaa in aad wax ka baran doontaan,”ayuu yidhi Wasiir Cadarre.

Guddoomiyaha degmada Ismaaciil Xasan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad naqay wasaarada kalluumaysiga dhagax dhiga xaruntan lagu qaboojinayo kaluunka. Waxaanu kula dar-daarmay kaluumasatada degmada Buloxaar in ay laban laabaan wax soo saarka kalluumaysiga.

Dhinaca kale wasiirka caddaalada iyo garsoorka Axmed Faarax Cadare, intii ayaa intii ay ku sugnaayeen tuuladda Bullo-xaar, waxa uu soo kormeeray xarunta jeelka ciidanka asluubta, MCH iyo xarunta degmada Bullo-xaar.