AKHRISO:LAAMAHA XISBIGA KULMIYE EE WADANKA INGIRIISKA OO SHIR KUQABSADAY BIRMINGHAM IYO WAXYAABAHA DIIRADDA LAGU SAARAY

Birmingham 7th January 2016

Maxaa Ka Soo Baxay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye (UK) ee lagu Qabtay Magaaladda Birmingham ee Dalka Ingiriiska (Daawo Sawiradda Shirkaasi).
1
 Munaasabad Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Gudiyadda Fulinta , Mus-danbeedka iyo Madaxda Laamaha Gobaladda ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka Ingiriiska ayaa maanta lagu Qabtay Magaalada Birmingham ee Caasimada Gobolka West-Midlands.
 
3
Munaasabadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo Agaasimay,isla-markaana lagu Falanqaynayey ama ujeedadda loo qabtayba ay ahayd. mid lagu dardar galinaayo Hawlaha Xisbiga Kulmiye iyo Sidii loo Horumarin lahaa Xisbiga Kulmiye UK. siiba dhinaca Dhaqaale ama sida ugu haboon ee tageerayaasha Qurba-joogtu uga Qayb qaadan lahaayeen hawlaha Xisbiga.
Shirkan oo si habsami ah u qabsoomay ayaa muhiimadiisa kale ee uu lahaa ahayd, Isbarashada Xubnaha Gudiga Fulinta iyo laamaha goboladda ee Kulmiye Uk .sidoo kale habsami u socodka hawlaha Xisbiga ee UK.2
Guddoomiye Maxamed Xirsi Dudu iyo Gud Ku-xigeenka Fariid Diiriye Nuur ee xisbiga Kulmiye Gobolka West Midlands(Birminham):- oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey hawlaha dardar galinta xisbiga Kulmiye uu ka wado Magaaladda Birmingham, iyaga oo xusay : in laga garan-karo in muddooyinkii ugu danbeeyey ay xisbiga Kulmiye ku soo qul qulayeen taageerayaal aad u tira-badan. isla markaana kulankani yahay mid lagu dardar geliyo wax-qabadka iyo hawlaha laamaha xisbiga ee magaalooyinka iyo Goboladda wadanka UK.
Guddoomiyaha Guurtida ee Kulmiye Uk Md Ismail Carab oo isaguna halkaasi ka hadalay, ayaa ugu horeyn si diiran u soo dhaweeyay shirkan balaadhan ee xisbiga Kulmiye UK ee lagu qabtay Gobalka West Midlands, Isla-markaana waxa uu halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo nuxurkeeddu xanbaarsanaa :- dardar galinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale ku dhiiri galinta taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska gaar ahaana laamaha wadanka Kulmiye UK. sidii ay isaga kaashan lahaa ka wada shaqaynta hawlaha xisbiga ee wadanka Ingiriiska iyo hawlaha doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda iyo sida loogu baahan yahay in xisbigu si wayn ugu diyaargaroobo.waxaana uu hoosta ka xariiqay Gudoomiyaha Guurtida Kulmiye UK , Md Ismaciil Carab , inay isugu iman-donaan kulamo kale oo qayb ka ah wadatashiyada xisbiga Kulmiye Uk.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laanta UK Mudane Xariir Xirsi Adar
ku-xigeenkiisa Kulmiye Uk, Md, Axmed Cabdilaahi (Axda) ahna Musharixiinta Golaha wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye ayaa iyagana halkaasi ka hadlay . soona Dhaweeyay dhamaan Madaxda Xisbiga kulmiye Dalka Ingiriiska ee Xafladaasi ka soo qayb gashay,Waxaanay Sheegeen in Shirkani ujeedadiisu Tahay isku Xidhka Xisbiga Kulmiye Uk iyo Dardargalin hawlaha Xisbiga ee Uk, gaar ahaana sida ay yidhaahdeen :- Taageero Dhaqaale iyo Dhiiri galinba : Sidii aynu ula Garab istaagi lahayn . ayey yidhaahdeen. Xisbiga Wakhtiga yar ee ka hadhay Ololaha Doorashooyinka 2017-ka iyo in la dhamaystiro hawlaha muhiimka ah ee Xisbiga Kulmiye Uk looga baahan yahay:
Waxa iyana hadalo ka soo jeedisay :- Gudoomiyaha Haweenka Kulmiye Uk . Marwo. Amran Bile kana mid ah gudidda fulinta ee Xisbiga Kulmiye Uk. Iyada oo sheegtay in dhamaan Kulmiye Uk . siiba madaxda laamaha uk ee xaflada ka soo qaybgalay ku boorisay inay xisbiga Kulmiye hiil iyo hooba isla garab istagaan, gaar dhinaca dhaqaalaha.
Dadkii ka hadlay Shirkaa ayaa waxaa ka mid ahaa Md Kenadiid Cawil Cabdi Hirad oo ka soo jeedda Degaanka Buuhoodle ( ahna Xubin Ka midda Xisbiga Kulmiye). guud ahaan waxuu bogaadiyay sidii ay xukuumada maanta ay sida siman uga taabo-galisay Deegaanka Somaliland Horumarka, N/galyada iyo Maamulka suuban islamarkaana waxuu ku amaanay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Md. Mahamoud Haashi Abdi iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Iyo Gudoomiayaha Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Bixi Cabdi sida Geesinimadda Leh ama hagar la’aaneed ee ay dhabarka ugu riteen Arimaha sugida Amniga G/Sool gaar ahaan nabada dadka walaalaha ee Bahararsame iyo Qayaad.
Waanu ku hambalyeynaynaa hadaanu nahay dadka Sool iyo Buuhoodle :- Gudoomiyaha Kulmiye , labaddaa Wasiir iyo labadda ardaa ee walaalaha ah: – Siiba Arimaha Nabadgelyadda ku saabsan iyo in Nabadgalyo lagu nagaado JSL oo dhan . Xukuumadda Kulmiye waxuu ku tilmaamay maamul suuban oo ka soo dhalaalay Hirgelinta iyo ka jawaabista baahiyaha shacabka ee ku wajahan adeegyada Horumarineed iyo kaabayaasha dhaqaale. kuwaasoo tilmaan cad oo marag ma doon ah u ah: waxqabadka Xukuumada maanta ee uu hogaanka u hayo Madaxwayne Md .Axmed Siilaanyo ayuu yidhi Kenadiid.
Qaar ka mid ah madaxda laamaha xisbiga Kulmiye Uk. oo halkaa ka hadashay ayaa carabka ku dhuftay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbiga qudha ee matali kara Bulshada Somaliland, iyaga oo sidoo kalena uga mahad celiyey mas’uuliyiinta laanta Xisbiga Kulmiye B,ham ee Ingiriiska sida qiimaha badan ee ay ugu soo dhaweeyeen dhamaan qaybaha kala gedisan ee Xisbiga Kulmiye Uk.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shirkaasi :- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arimaha Dibedda Md. Cabdoo Axmed Aayir, kana mid ahaa: Siyaasiyiintii Tacab badan Geliyey Xisbiga Kulmiye.
ugu danbeyn . Waxaa laysla qaatay : – Sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Xisbiga Gobolada Uk :- Gudidda Fulinta . Guurtidda Iyo Madaxda Laamaha Kulmiye ee UK. waxaa ay isla Garteen in la dedejiyo hawlaha Xisbiga iyo dhiirigelinba si loo dardar-geliyo, ayey yidhaahdeen. kuwa ugu muhiimsan dhinaca doorashada 2017, lagana shaqeeyo in si habsami leh .in ay hawshaasi taariikhiga ah inoo qabsoonto.xafladaasina waxay ku dhamaatay guul iyo gobanimo.
Shirkan ayaa la soo geba gebayay Abaarihii 20:43Pm wuxuuna shirkan ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Gudida warbaahinta
Kulmiye UK