Deg-Deg:-Xoghayihii Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeisa oo Xilkii Laga Qaaday.

Hargeisa(GNN):-Warar xog ogaal ah oo hada soo gaadhaya shabakada

wararka ee Gabiley News Network  waxaa ay u xaqiijiyeen in xilkii laga qaadey xoghayihii dawlada hoose ee Hargeysa Muddane Axmed Darajo

 

 IMG_1EF911-214AF6-43394D-F81273-C1AF38-D7936E

 

 

Sidoo kale xogahan ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen in loo magacaabey xoghayaha cusub ee dawlada hoose Hargeysa in uu noqdo Masuul lagu magacaabo Mawliid Qaro .

 

In kasta oo aaney jirin warqad rasmi ah oo ka soo baxdey xafiiska wasiirka arimaha gudaha oo saxaafada loo soo diray , ayaa waxaa warkani noo xaqiijiyey ilo ka ag dhaw labadan masuul , iyo wasaarada arimaha gudaha