Madaxweynaha JSL oo tacsi u diraya qoyskii, eheladii  Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cali Xirsi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 22/01/2017, magaalada Hargeysa.

TACSI MADAXWEYNE -22/01/2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cali Xirsi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 22/01/2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee Somaliland loo soo maray, xukuumadihii isaga danbeeyey hoggaaminta qarankana si hagar la’aan ah ayuu ula soo shaqeeyey isagoo mar ahaa Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Somaliland (Chief of Protocol), Marxuumku waxa uu ahaa ehelu cubaado, ay ka nabadgaleen binu-aadamku, una gargaari jiray dadka inta jilicsan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasi, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.