Maxay Gudida Komishanka Doorashooyinku Ka Yidhaahdeen Wakhtiga Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Iyo Natiijada Hor Dhaca Ah Ee Laga Baahiyey Dadka Is Diiwaangaliyey?

Hargeysa(GNN)January.10,2017-Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa ka hadlay warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegaya natiijada dadkii iska diiwaangaliyey gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee diiwaangalintii codbixiyayaasha ee sanadkii hore la qabtay.

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Siciid Cali Muuse ayaa ka hadlay kulamadii ay wada yeesheen saddexda xisbi qaran iyo wararka sheegaya in ay dib u dhacayso doorashada madaxtooyada ee ku muddaysan bisha saddexaad sanadkan aynu ku guda jirno bilowgiisa ee 2017-ka.

Siciid Cali Muuse afhayeenka komishanka oo ugu horeyn ka hadlay natiijada tirada ah ee laga baahiyey dadkii iska diiwaangaliyey degmooyinka iyo gobolada Somaliland ayaa waxa uu yidhi

“Anagu waxba maanan sheegin wax aanu shaacinayna ma jirto oo natiijada diiwaangalintii codbixiyayaasha ah,wax aanu warbaahinta u dirnay ama aanu cid la wadaagnayna ma jirto”sidaas ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.

Sidoo kale Afhayeen Siciid Cali Muuse oo aanu wax ka waydiinay kulankii ay la yeesheen saddexda xisbi qaran iyo in doorashadu dib u dhacayso ayaa waxa uu ku jawaabay

“Anaga hawlahayagii sidii ay noogu socdaan oo hawlihii kaadh qaybinta iyo hawlahayagii kaleba sidoodii ayay noogu socdaan,wax dhib ahna ma jiraanwax gab ah oonagu yimina ma jiraan mar walbana waxaanu ku soconaa jadwalkii ahaa in doorashadu dhacdo wakhtigii loogu talo galay ee bisha saddexaad ee sanadkan,jadwalkii aanu dhignay ayaanu ku soconaa kaadhadh qaybintu sida ugu dhakhasaha badan ayay u bilaabmaysaa insha alllah oo way soconaysaa laakiin hawlo badan oo kale ayaa ka horeeya”

Afhayeenka komishanka oo aanu sidoo kale waydiinay wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaabayaan qaybinta kaadhadhka codbixiyaha iyo waliba sida ay macquul u tahay in la qaybiyo kaadhadhka codbixiyaha iyada oo la wada ogsoon yahay in dad badan oo ay abaartu saamaysay aanay wakhti xaadirkan ku sugnayn goobihii  ay iska diiwaangaliyeen ayaa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalahaas.

Log1