“Niman Mujaahidiin Sheegta oo Sooyaal la Yidhaa oo Awri Cuntay Anigaba Barribaa Awr I Cunee”……. Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland.

Hargeisa(GNN):- Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Dhawaan Xilka uu  Madaxweynaha Somaliland U magacaabay Mudane Axmed Daauud Geedi Ayaa Madal uu ka Khudbadaynayey oo ilyartu is Qabatay Ku Xaqiray Ereyada Noocan ah Mujaahidiintii Nafahooda u Huray Halgankii Qadhaadhaa Ee Lagula Dagaalamayey Rijiimkii macangaga Ahaa Ee Maxamed Siyaad Barre,  Kaas Oo Nabada Iyo Xasiloonida Somaliland Maanta Ku Naaloonayso La Rumaysan yahay Inay Sababteeda lahaayeen.

Masuulkan Oo Hore Looga Hayey Ereyada Noocan oo Kale Wakhtigii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada ayaa Haddana Marlabaad Dib ugu Celiyey wakhtigan oo uu madaxweynaha Somaliland ee Isaga Xilka u magacaabay uu Ahaa hormoodkii iyo hogaankii ururkii Qarnimada Somaliland duurka u galay ee u Hibeeyey inay ku Waayaan nafahooda,

Madashan oo Ahayd Xafiiska Xisaabaadka oo kula Hadlayey Dhammaan Shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka, ayaa Fajac iyo amakaag Ku noqotay Ereyadan uu Ku hadlay Xisaabiyuhu Bulshada Intii Maqashay.

Xisaabiye Daauud Ayaa Yidhi Sidan” Niman Sooyaal La Yidhaa Oo Mujaahidiin Sheegta oo Awri Cuntay Anigaba Bariba Awr i Cunee Ayaa  Ku Dawakhinaya oo xafiiska Aanad ka Shaqayn karayn iyagoo ku odhanaya waxan Ahay Mujaahid,

Markaa dadkii Awrtu Cuntay Iyo Kuwii Qalqaalinimo kale Ku Dhaawacmayba haddii Ay ku odhanayaan Waxan Ahay Mujaahid Sow Dhibaato maaha.”

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network Office

Gabiley Staff Writter