Qabow Xad Dhaafa Oo daran Ayaa ka dhacaya Maalmahan Magaalada Hargeysa iyo Galbeedka Somaliland.

Qabow daran ayaa xilligaan ka dhacaya magaalada Hargeysa kaasoo aan horay loo arag noociisa.

Qabow oo waliba siyaado ah ayaa laga dareemay magaalada Hargeysa gaar ahaan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. Waxaa sidoo kale qabowga laga dareemayaa galbeedka Somaliland oo idil.

Dad muddo dheer kunoolaa Hargeysa iyo guud ahaan Galbeedka Somaliland ayaa sheegay in wali hada ka hor aysan halkaa ku arag qabow la mid ah kan iminka dhacaya.

Dadka ayaa inta badan haatan habeynkii huwada go’yaal adag iyo busteyaal si dhaxanta ay uga gaashaantaan.

In badan ayaa fiidkii dab ay kulaalaan shita ayagoo sheegay in dhuxushii iyo qoryihii iyo waliba waxyaabihii kale ee shidaalka ahaa uga dhammaadeen sidii ay u shidanayeen.

Log1