“Reer Booramoow Anigu Jabhad Baan Keligay Ku Jiray Oo M/weyne-ku-xigeen Aan Ku Noqday, Weligayna Cuqdad Maan Qaadine, Idinka …..” Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

“Dawladnimadii Somaliland Oo Dhan Baa Boorama Laga Dhisay Oo Madaxweyne-Ku-Xigeen Aydaan Weligiin Ku Riyoon Baad Hesheen, Haddii Aad Is Lahaydeen Dawlad Baa La Idinka Riday Oo Kacaankii Baad Wax Ku Lahaydeen, Wasiir Iyo Wasiir-Ku-Xigeen Baad Ku Lahaydeen….”

-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa farriin adag u diray shacabka kasoo jeeda gobolka Awdal, waxana uu hogo tusaaleeyey dedaalkii dheeraa ee reer Awdal soo galiyeen dawladnimada Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee xilal ahaan ay ka gaadheen dawladda.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka qayb-gelayey madal lagu gorfaynayey xaaladda xilligan ee dalka iyo da’yarta, ayaa su;aalo badan geliyey cabashada soo noqnoqota ee shacabka reer Boorama ka sheegtaan Somaliland, waxana uu si cad u sheegay inay siyaasiyiinta reer Boorama horseedeen in xilka ugu sarreeya ee dalka ay qabtaan, isla-markaana ay muddo baddan hayaa.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu meesha ka saaray tuhunnada reer Boorama qabaan ee ay ku sheegtaan in la dumiiyey xukuumad ay awood badan ku lahaayeen, waxana uu u sheegay inay mansabyo hoose ka hayeen xukuumaddii kacaanka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”dawladnimadii Somaliland oo dhan baa Borama laga dhisay oo madaxweyne-ku-xigeen aydaan weligiin ku riyoon haddii aad is lahaydeen dawlad baa la idinka riday oo dawladdii kacaankaad wax ku lahaydeen, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen baad ku lahaydeen, haddii aad is lahaydeen dawlad wanaagsan oo aad lahaydeen baa la idinka riday taasi tu aad lahaydeen ma ahayne waxad yeelateen tan aad madaxtooyadeeda gasheen ee aad madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ka noqoteen ee aad madaxweynaha ka ahaydeen siddeeda sanadood.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu usoo jeediyey reer Boorama inay iska saaraan afkaarta la xidhiidha in gumaysi lagu hayo oo aanay xorriyad ku haysan qaranka Somaliland,”waar Reer Boorama-ow xaggee la idinku gumaysan jirey, annagaa aabayaashiin iyo awoowayaashiin ahoo waligayo nalama gumaysan, waligayana cuqdad maanaan qaadin, aniguna kalligay baan ku jirey dugsiga Sheekh, weligay cid baa kaa sarraysa iyo cid baa kaa gobsan iyo cid baad ka hoosaysaa niyaddayda ma gelin, jabhad baan kaligay ku jirey oo aanan habeen ka tagin oo aan madaxweyne kuxigeen ka noqday.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyey ee si sarraaxad leh uga hadla dareenka reer Boorama ee la xidhiiidha in loogu awood sheegto xilalka siyaasadeed ee dalka, isla-markaana aan wax dan ahi ugu jirin jamhuuriyadda Somaliland inkasta oo ay muddo dheer madaxweyne ka ahaayeen

Source:Hubaal