Tababare Luis Enrique Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Real Sociedad Ee Copa Del Rey-ga, Ayaa Liiskan Ku Soo Baxay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ula safraysa San Sebastián halkaas oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Real Sociedad ee kulanka lugta h–e ee Copa Del Rey. Barcelona oo aan garoonka Real Sociedad ee Anoeta guul ku soo gaadhin muddo toban sano ah ayuu Enrique sheegay in aad u soo dhawaatay waqtigii ay guul ku soo gaadhi lahaayeen Anoeta Stadium.

Dhinaca kale Luis Enrique ayaa sheegay in kulanka lugta labaad ee Camp Nou ayna waxba ku xisaabtamayn oo ay doonayaan in ay soo guulaystaan kulanka ay Real Sociedad martida ugu noqonayaan Anoeta Stadium. Luis Enrique ayaa liiska kooxdiisa dib ugu soo daray  Gerard Piqué, Denis Suárez, Sergi Roberto iyo Jordi Masip oo seegay kulankii Las Palmas ee horyaalka La Ligaha.

Laakiin markale Enrique ayaa liiska kooxdiisa ka reebay goolhaye Ter Stegen iyo labada difaac ee kala ah Aleix Vidal iyo Mathieu halka Rafinha uu kulankan dhaawac ku seegayo. Enrique ayaa soo xushay dhamaan xidigaha kale ee kooxdiisa muhiimka ka ah. Goolhaye Cillessen ayaa shaxda Enrique ee kulanka Sociedad ku soo bilaaban doona.

LIISKA BARCELONA EE KULANKA REAL SOCIDEAD: Cillessen, Masip, Piqué, Rakitic, Sergio, Denis Suárez, Arda, A. Iniesta, Suárez, Messi, Neymar Jr, Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Digne, S. Roberto, André Gomes iyo Umtiti.