Wariye Ka Mid Noqotay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Somaliya ee Maqaarsaar ahaan U Matalaya Somaliland,

Muqdisho(GNN):-Doorashadii xildhibaanada xubnaha aqalka sare ee Somaliya ayaa wali si rasmi ah uga socota Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada maamulka somaliya kuwaasi oo lagu maqaarsaarayo Beelaha kala duwan ee dega Somaliland,

Waxa ka mid noqday Xildhibaanada macmalka ah Maanta la doortey mid ka mid ah gabadh Wariye ah oo  laggu magacaabo Muuna Cumar Xassan una sharaxnayd kuraastii Gobolka Togdheer ee xubnaha aqalka sare ee Somaliya waxaanay heshay Codad dhan 32 cod,

Muuna  Cumar ayaa haatan ka hawl galaysay Tvga Somaliya iyada oo ahayd soo saaraha Barnaamika Fanka iyo Suugaanta ee telefishankaasi.

 

Muqdisho/Office