Xisbiga WADDANI Oo Xalay Hargeysa Ku Qabtay Kulanka Aqoonyahanka Dhallinyarada Oo Lagu Soo Bandhigaayey Barnaamij Siyaasaddeedka Xisbiga Waddani+Sawiro

Kulan oo ay si wada-jir ah u soo wada qaban-qaabiyeen garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale Aqoonyahanka dhallinyarta taageerta Xisbigaasi, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali X.Xasan, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, kaadiriyiinta Xisbiga, dhallinyarta aqoonyahanka iyo weli ba sida oo kale taageerayaal aad u tira badan.Qaar ka mid ah dhallinyarta aqoonayahanka ee kulankaas soo qaban-qaabisay oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tiir tiir iyo qodob qodob u dul-istaagay u na soo bandhigay barnaamij siyaasaddeedka Xisbigaasi, waxaana ay si aada ugu dheeraadeen u na lafo-gureen tiirarka muhiimka ah ee uu ka kooban yahay barnaamijkaasi oo ay ugu horreeyaan Ictiraaf raadinta, shaqo-abuurka, joojinta Tahriibka, kor-u-qaadista ciyaaraha, tayeynta waxbarashada, adeegyada caafimaadka, cadaaladda, sinnaashiyaha iyo weli ba sida oo kale guud ahaan wax ka qabashada baahiyaha aas aasiga ah ee nolosha bani Aadamka, waxaana ay carabka ku dhufteen in Xisbiga WADDANI yahay Xisbiga kaliya ee ay illaa haddda ku qanceen barnaamij siyaasaddeedkiisa, iyaga oo ku ladhay in uu hoggaamiyo ruug cadaa siyaasi ah oo lagu soo tijaabiyey siyaasadda Somaliland isla mar ahaantaana kaalin iyo door muuqda ka soo ciyaaray dhismaha qaranka Somaliland.

Xoghayaha dhallinyarada WADDANI Aftax Siciid Jaambiir, hoggaanka Maaliyadda Maxamed Muuse Tiyo iyo weli ba sida oo kale Khasnajiga garabka dhallinyarada Filsan Cabdiraxmaan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey dhallinyartaas aqoonyahanka ah, waxaana ay ku amaaneen siddii habbooneyd ee ay u soo bandhigeen barnaamij siyaasaddeedka Xisbiga WADDANI iyaga oo dhanka kale na halkaas kaga dhawaaqay qaadhaan ururin gurmad abaareed ah oo looggu gurmanaayo dadka dhibbaateysan ee ay sida aadka ah u saameysay dhibbaatada abaaraha Somaliland, waxaana ay ugu horreyn ka garab ahaan halkaas kaga yabooheen in ay sanduuqa garabka dhallinyarada WADDANI ay dadka dhibbaateysan ee abaarahu haleeleen uga saarayaan lacag dhan $1000(Kun dollar), halka ay dhallinyartii goobtaas ku sugneyd na ay ka codsadeen in qof walba uu karaankiisa ugu soo gurmado dadka abaarahu haleeleen.

 

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey dhallinyartaas.

“Ugu horeyn, waxa aan u mahad-celinayaa madasha aqoonyahanka reer Somaliland ee lafo-gurka iyo falan-qeynta barnaamijka mudada ku jiray, ku qancay sida oo kale na garwaaqsaday in barnaamijka Xisbiga WADDANI uu yahay mid dalka iyo dadka ba hoggaamin kara. Runtii barnaamij siyaasaddeedkan Xisbiga WADDANI ee marba dhinac laga istaagayey ee aynu kolba dhan ka dheehanaynay Lixda Tiir ee uu ka kooban yahay, waa barnaamij dhaqan-gal ah oo boqolkiiba boqol balan-qaadi kara mustaqbalka nololeed ee bulshada iyo guud ahaan qaranka Somaliland. Xisbiga WADDANI na waxa ka go’an in dhallinyarta Somaliland ay dalkooda ku helaan mustaqbal hirasho leh oo tahriibta ka baajisa oo niyad-jabka ka joojisa oo kula tartamaan.”.Ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme.

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo isna dhankiisa halkaas erayo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in uu aad hambalyeynaayo dhallinyartii aqoonyahanka ee sida qiimaha badan u soo bandhigtay barnaamij siyaasaddedka WADDANI.

“Kelmadda aan halkan ka odhanayaa waa hambalyo aan hambalyeynaayo dhallinyarada Aqoonyahanka ah ee caawa halkan ku falan-qeeyey barnaamijkii siyaasadda, runtii dhallinyaradaasi dedaal bay muujiyeen, si aad iyo aad u qiimo badana way u soo bandhigeen barnaamijkaas. “.Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid

Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo isna hadlay, ayaa waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda ay lee yihiin dadka bani-Aadamka ahi, waxaana uu  Xukuumadda ugu baaqay in dadku ay ka muhiimsan yihiin wax walba isla mar ahaantaana loo baahan yahay in la taakuleeyo dadka abaarahu haleeleen.

“Caawa waa habeen qiimo badan, horumarka, barnaamijka iyo waxa aynu wanaajinayna ba waxa aynu dooneynaa waxa weeye waa dhaxal ay dhallinyaradu lee dahay, barnaamijku na dad buu ka shaqeeyaa, dad baa muhiim u ah oo ubacda u ah, dadkeena maanta dhibbbaateysana barnaamijka qeyb weybay ku lee dahay abaartu oo ah Waraabahu ba marka uu adhiga u soo dhaco waxa kor loo dheereeyaa Ooda, hada na haddii uu mar kale soo dhaco waxa la sii dheeraayaa Ooda, marka Xukuumadda waxa aanu lee nahay waxa ugu muhiimsan ee maanta aynu u baahan nahay in la qabtaa waa taakuleynta dadka abaarahu saameeyeen.”.Dr.Maxamed Cismaan Fadal.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay barnaamij siyaasaddeedka ay soo bandhigeen dhallinyarta aqoonyahanka, waxaana uu iftiimiyey himilada Xisbiga WADDANI.

“Dhallinyartii halkan ka soo jeedisay barnaamijku aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Xisbiga himiladdiisa koowaad na waa in uu dalka iyo dadka dhiso, waa in uu  diinteena sharafta badan dhiso, markaa himilooyinka noocaas ahi waxa ay ku qoran yihiin barnaamijka Xisbiga WADDANI, waana aad dhugan doontaan haddii Alle idmo. “.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, ayaa isna sheegay in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga kaliya ee dalka ka fulin kara barnaamij siyaasaddeed qoran.

“Waxa aynu og nahay in dal waxa ugu weyn ee hantidiisa ah ama khayraadkiisa dabiiciga ahi in uu yahay dadka, dadkaas hadaan ka ugu yar iyo ka ugu weyn oo aan la ilaalinin dalkaasi ma jiraayo, markaa barnaamijkii ay madashu halkan ku soo bandhigeen aqoonyahanku ee ahaa barnaamijkii Xisbiga iyo waxyaalaha kale ee lagu soo biirin kara ba waxa la hir-gelin karaa marka la helo hoggaan toosan oo dalka dhibbaatada ka saari kara sida oo kale fulin kara barnaamijkaas, waanan hubnaa in WADDANI yahay kii dalka ka saari lahaa dhibbaatadaas.”.Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhallinyarta aqoonyahanka ah ee soo bandhigtay barnaamij siyaasaddeedka WADDANI, waxaana uu xusay in ay u soo bandhigeen si aqooni ku jirto oo farshaxanimo u dheer tahay.

“Waxa aan halkan uga mahad-naqayaa dhallinyaradii barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI halkan ku soo bandhigtay ee sida wanaagsan innoo fahamsiisay ee cutub cutub innoogu akhriday ee inta ay wakhti badan geliyeen u soo bandhigay sida farshaxanka iyo aqoontu ba ku dheehan tahay, waanan ku boorinayaa hawshaas muhiimka ah ee ay qabteen cid kasta oo gacan ku siiseyna waan uga mahad-celinayaa oo ay ugu horreeyaan garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. “.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa uu sida oo kale ka hadlay muhiimadda barnaamij siyaasaddeedka Xisbiga WADDANI, marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray iyo weli ba sida oo kale in dadku ay ku soo biirin karaan aaraahdooda si qaranka looggu badbaadiyo, waxaana uu yidhi:

“Waxa aynu ognahay haddii Doorashada la qabto 28ka March in Xisbiga kaliya ee barnaamijkiisa soo bandhigay uu yahay uun Xisbiga WADDANI, weli ba illaa hada barnaamijkeenu waxa uu ogal yahay in lagu kordhiyo wixii ra’yi ah ee la hayo oo meeshii wax ka maqan yihiin ba la soo gufeeyo oo la soo bandhigo. Barnaamijku na waxa uu diyaar u yahay in la dhiliilo oo barnaamij xidhan maaha e’ waa barnaamij dadka looggu tallo-galay, waa barnaamij muhiimaddiisa koowaad siinaaya badbaadada dalka, waa barnaamij muhiimadda siinaaya dhallinyarada iyo haweenka oo ah labada qeybood ee bulshadeena ugu muhiimsan, waa barnaamij aad loogga baaraa-degay oo laba sannadood iyo in ka badan loo soo bandhigay shacbiga oo ra’yigood ay ku dareen oo aan is lee yahay maanta wixii umaddani u baahnayd oo dhami ba way ku dhan yihiin, waa barnamin looggu tallo-galay in umadda lagu hoggaamiyo, sidaas uu hoggaamiyahu sheegayna barnaamijka waxa hoggaamin doona dhallinyaro, odeyaasha iyo hooyooyinku na way garab taagnaanayaan dhallinyaradaas iyo madaxda kale ee Xisbigu ba.”.

2 3  4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14