Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Sarriflayaal Badan Oo Fadhiista Badhtamaha Magaalada Hargeysa Kadib Markey Diidaan Iney Dollar Ku Sarifaan Qiimaha Loogooyey.

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay qaar kamida sarriflayaasha magaalada Hargeysa.

Waxaana sarriflayaashan la xidh xidhay maanta la sheegay inay kasoo hor jeesteen ila markanaa ay ku  gacan saydheen go’aamadii shalay ay soo saartay xukuumadda Somaliland isla markaana ay xukuumaddu u goysay in 100$ (Boqolka Dollar) lagu sarrifo 700,000 (Todoba Boqol Oo Kun) oo shalling Somaliland-ta,waxaana la sheegay in sarriflayaashani ay ku sarrifayeen 100$ (boqolka Dollar) 800,000 (Sideed Boqol oo Kun) oo shilling Somaliland.

Waxaana sarriflayaashan xabsiga loo taxaabay ay ku andacooden in ay ku adag tahay in ay marnaba hoos uga dagaan halka uu qiimuhu taagnaa markii hore oo ahaa inta u dhaxaysa 800,000-850,000 oo shilling-ka Somaliland ah.

Sarriflayaashan la xidh xidhay ayaa ah kuwa fadhiista badhtamaha suuqa  magaalada Hargeysa,waxaana ay hadda ku xidhan yihiin badankoodu saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Dhanka kale ciidamada booliska ayaa dhex wareegaya badhtamaha magaalada Hargeysa kuwaas oo xabsiga u taxaabaya sarriflaha la sheego in aanu wax is badal ah ku samayn sarrifka lacagta dollarka isla markaana aan u hogaansamin go’aanka xukuumaddu soo saartay.

Gabagabadiina xukuumadda Somaliland ayaa shalay sicir bararkan dalka ka taagan kasoo saartay go’aamo adag oo la filayo inay dabar u noqdaan sicir bararkan saameeyey dadkii dan yarta ahaa iyo ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtayba,waxana durba is badal wayn laga dareemayaa sarrifka lacagtta dollarka oo hoos u dhacday.

Log1