Deg-Deg-Daawo-Abwaan Xassan Daahir Ismacil Weedhsame Oo Hadda Soosaaray Gabay Uu Kagaga Hadlayo Xaalada Dalka

Maansadan Oo Uu Hadda Daawaha Kasoo Qaaday Abwaanku Ayaa la yidhaa ”MUDDUCI” waxaanay ka hadlaysaa Xaaladaha Kala Duwan Ee Dalka Somaliland Marayo

Maalmahan danteenii
Mukur baa ka taliyoo
Sida ruux la maray buu
‘‘Maya’’ ‘‘haa’’ ku ladhayaa
Marka uu margado buu
Runta sii murginayaa
Miciyuu dirsanayaa
Mixnad buu hadhsanayaa
Makri buu barkanayaa
Hadba boogo malaxliyo
Milil jira guntaasuu
Dusha sare mariidiyo
Maaleey ku dhayayaa,
Masas buu dhaqanayaa
Malmal baanu shidayaa
Hadba good is maray buu
Rajo maax ku sabayaa
Shil mirtuu ka baqayaa
Sharna wuu martiyayaa
Madallooti dhacayuu
Muska reerka dhigayaa
Cidda maasha saraysaa
Magli loo lisanayaa
Xaqa soo mutuxan buu
Kun maxaadh ku mudayaa
Hadba dhiil u madhiyuu
Muddo dhaaf ku lulayaa
Masalooyin ugub buu
Hadba moofle jarayaa