Dood Sharci Oo Ku Saabsan Isticmaalka Zaadka Shirkada Telessom

Shir aan Caadi ahayn oo Galaha Wasiirada S/land ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada 2/2/2017 waxuu Madaxwaynaha S/land Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo ka soo saaray Digreeto Amaro Culus Xambaarsan oo lagu Xakamaynayo Qiimo dhaca Lacagta Shilinka S/land hoosna loogu dhigayo Kor u kaca Xawliga ku socda ee Doolarka Digreetadan Madaxwayne Siiraanyo soo saaray ayaa Saamayn Balaadhan ku yeelatay Isticmaalka Lacagta Tilifoonada lagu Isticmaalo ee Zaadka Shirkada Telssom iyo E Dahab ay bixiyaan waxaase Maanta ka Taagan Dood Sharci oo si toosa ay u Lafo Guri doonaan Culimada Diinta ee Cilmiga Fiqhiga iyo Shareecada Islaamka Aqoonta u leh ee Dalka S/land , Sharci Yaqaano Madax Banaan iyo Aqoonyahano Dhinaca Dhaqaalaha Aqoon Sare u leh.

Dood Sharci Ee Ku Saabsan Isticmaalka Zaadka  Shirkada Telessom Waxaa Bud Dhig U Noqon Doonta Su”aalahan.

1: Aalada Tilifoonada Lagu Isticmaalo Ee Wax Lagu Kala Iibsado Ee Zaadka Shirkada Telessom” Yaa Xaq U Leh In Uu Daabaco Ama Masuuliyadeeda Yeesho Ma Dawlada S/land Mise Shirkadaha ?

2:  Maxayse Ka Tidhi Shareecada Diinta Islaamku Arintan Iyo Isticmaalka Zaadka Ee Shirkada Telssom ?

3 : Ma Jiraase Qodob Distooriya Ama Sharciga Iyo Xeerarka Dalka S/land Ah Oo Fasaxaya Isticmaalka Zaadka Sirkada Telssom ?

4: Ma Xaaraanbaa ? Mise Waa Xalaal Isticmaalka Lacagta Tilifoonada Lagu Isticmaalo Ee Zaadka  Shirkada Telssom Iyo E Dahab ?

Ka Jawaab Su”aalahan Hadaad Aqoon Sare U Leedahay Cilmiga Shareecada Diinta Islaamka Ama Cilmiga Dhaqaalaha, Ama Hadaad Tahay Sharci Yaqaan Xeerarka Dalka S/land Iyo Shuruucda Caalamka Aqoon Sare U Leh

Doodan Ayaa Lagu Qaban Doonaa Gudaha Magaalada Hargeisa Iyo Magaalada Gabiley oo Aanu idiin Soo gudbin Doono Wakhtiga La Qabanayo Iyo Goobaha Lagu Qabanayo,

Waxaana Kasoo Qayb-galaya aqoonyahanka Dalka,xubno kamida abwaanada dalka iyo ardayda jaamacadaha ee aqoonta dheer u leh arrimaha dhaqaalaha.

Kala Soco Oo Kala Qayb-Qaado Fikirkaaga Doodan Diirada Lagu Saarayo Adeega Zaadka.

sAWIRKA