Golaha Guurtida Somaliland Oo La Filayo Inay Iskugu Yimaadaan Fadhi Ay Kaga Arinsanayaan Muddo Kordhintii Xisbiyadu ku Heshiiyeen.

Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Gabiley News kana helayso ilo wareedyo ka agdhaw xarunta golaha guurtida Somaliland ayaa sheegaya in la filayo in mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ay u fadhiistaan kulan ay kaga arrinsanayaan dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland oo ku astaysnayd qabsoomideedu 28 bishan March balse dib dhac uu ku yimi.

Mudanayaasha golaha guurtida oo iyagu ku shaqo leh muddo kordhinta isla markaana ay maxkamadda sare ee Somaliland u gudbisey ka go’aan gaadhista dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhintaba ayaa waxa la filayaa inay kulankoodan u fadhiistaan sida ay xoguhu noo sheegeen 26 bishan aynu ku guda jirno oo ku astaysan maalinta Axada isla markaana ay falanqeeyaan kana arrinsadaan mudadda ay noqonayso in loo kordhiyo xukuumadda taas oo ay saddexda dhinac ee Madaxwaynaha,xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka isla qaateen in dib loogu dhiggo muddo Lix Bilood ah lana qabto doorashada 10.10.2017.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu shirgudoonka golaha guurtida Somaliland u direy warqad uu kaga codsanayo inay u tixgaliyaan oo aanay golaha guurtidu ka badin wakhtigaa ay isla qaateen saddexda dhinac in doorashada dib loo dhigo,waxaana xoguhu noo sheegeen in golaha guurtidu ay iyaguna dhankooda la qaadan doonaan go’aankaa ay wada qaateen saddexda dhinac ee ku saabsan in doorashada dib loo dhigo muddo Lix Bilood ah lana qabto 10.10,2017-ka,halka ay wararka qaar sheegayaan In xildhibaano ka tirsan golaaha guurtidu ay wadaan qorshayaal ay doonayaan in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay ugu kordhiyaan muddo Hal Sanno ah.

Gabagabadiina ilaa hadda ma cadda go’aanka ay dhankooda golaha guurtidu ka qaadan doonto muddo kordhinta iyo dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada Somaliland iyada oo bulshada Somaliland ay u wada dhag taagayaan natiijada kasoo baxday fadhigaa golaha guurtida Somaliland.

Log11