Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Maalinta Bariya Ka Garnaqi Doonta Dhacdada Kiiskii Ugu Layaabka Badnaa oo Fajac Iyo Anfariir Galiyay Bulshada.

Hargeisa(GNN):- Dhacdadan Fajaca iyo Amakaaga Galisay Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan Ayaa Ka Dhacday Todobaadadii Ina Soo Dhaafay Magaalada Hargeisa,

Mid Kamid Xaafadaha Magaalada Hargeisa oo ka tirsan degmada Axmed Dhegax Ayaa Dhawaan Waxa Isku Aroosay Lamaane Wiil iyo gabadh  Waxaana Wiilkan Arooska Cusub Galay Ka Shaqeeyaa Mid Kamida Warshadaha Kala Duwan ee Soosaara Roodhida  La Cuno, Waxaana Uu Tagaa Shaqada Subaxda Hore ee Waabariga abaaro 5:00 subaxnimo, Haddaba Arooskan Cusub Ayaa Markii Ay Wadda Noolaayeen Muddo Kudhow Ilaa Todobaad Wiilkii Gabadha Qabay Maalin uu ka oolay shaqadii sabab xanuun uu ka cabanayey, Waxaa Maalintaasi Badankeedii uu ku qaatay guriga oo ay ku wehelinayeen Ooridiisan Cusub iyo gabadh u Ahayd Misciidan aroosada oo Sidii Dhaqanka iyo caadada Arooska Somalida Ahayd si ay u todoba bixiso saaxibadeed arooskeeda,

Ninkan Guriga Lahaa Ayaan Indho Saarin Gabadhan ooridiisa u Ah minxiisada oo xijaab iyo niqaam ku labisnaan jirtay inta uu guriga joogo.

 

Haddaba Maalintaa Uu Shaqada Ka Oolay Ninkani Oo ilahay Wax Kale Waday Ayaa Waxaa Uu Maqlay Galinkii Danbe Ee maalintii  Cod ku Sheekeysanaya Qolka Kale ee Aqalka, oo ka duwan codkii dumarka ama haweenka, waxaanu u fahmay in guriga uu ku jiro qof ragg ahi, waxaana uu u yeedhay gabadhii uu qabay oo uu waydiiyey qof la joogo ee la hadlaya ee u fahmay inuu cod rag yahay, waxaanay gabadhii ugu jawaabtay waa aniga iyo heblaayo oo ah minxiisadii guriga kula noolayd mudadan arooska ay ahaayeenba,

Kadib Markii uu Ninkii ku Qanci Waayey Jawaabta ay Siisay gabadhiisu waxa Uu u Baxay Dibeda Waxaanu Tagay Saldhiga,  Waxaa Lagu Soo Daray Laba Askari Oo usoo raacay Gurigiisii, Markii Ay Yimaadeen Askartii Gurigii ayey ugu Yimaadeen labadii Qof Waa Afadiisii iyo gabadhii U Minxiisada Ahayd, Askartii Waxay Niqaamkii iyo Xijaabkii ka Tuureen Gabadhii Minxiisada Ahayd Mise Waxaaba Kagaga Soo baxay Qof Ragg Ah,

Fajac iyo Amakaag ciidankii iyo Ninkii Gurigalahaa Kadib Waxay Labadii Qofba U Kexeeyeen saldhiga Waa Gabadhii uu Qabay iyo Gabadhan Minxiisada Ahayd ee Isku bedeshay Ninka.

Dhacdadan Oo Badiba Ka Yaabisay Dadka Intii maqashay Ayaa La filayaa In Maxkamada gobolka Maroodijeex maalinta barriya la Horkeeno.

Wararkan Xogogaalka Ah ee Aanu Helanay Ayaa intaa ku Daray In maxkamadu Maalinta Bariya Oo Sabti Ah Ay Bilaabi doonto Dhegaysiga Dacwadan oo Aan Hore uga Dhicin Dalka oo ugub ku Ah Dhaqanka iyo Asluubta Somalida.

 

 

La Soco Warbixitan Layaabka Leh Wixii kusoo Kordha Haddii Alle Yidhaa

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network