Daawo-Budhcad Badeed Soomaliyeed Oo Afduubtey Markab Laga Leeyahay Dalka Imaraadka , Xeebaha Lagu Hayo Iyo Halka Laga Soo Afduubtey.

Budhcad Badeed Soomaliyeed Oo Afduubtey Markab Laga Leeyahay Dalka Imaraadka , Xeebaha Lagu Hayo Iyo Halka Laga Soo Afduubtey.

Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed
soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .
Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala aaday xeebaha Puntland. ILA-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka.

Madaxda maamul goboleedka ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xidhiidha

ILA-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in markabkan loola kacay dhinca xeebta Caluula

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka degaanka Caluula ayaa Caasho Ibrahim uga warramay markabka iyo xaaladdiisa.