Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Una Hanjabey Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Somaliya ” Car Bal Ceel-Buur Ha Tago Waa Kaase

Muddane Faysal ayaa waxaa uu sidoo kale uu ka jawaabey hadalo ka soo yeedhay Raysal wasaaraha dalka Somaliya oo isagu  sheegay in uu mideyn doono Somaliland iyo Somaliya waxaana uu hawda u mariyey hadalo hanjbaado ah

 

“Waan maqlaayey hadalada ka soo yeedhay kii yaraa ee Raysal wasaaraha Somaliya laga dhigay ee musuq maasuqiisa aduunku ka sheekeynaayey waxuu ku hadlaayey , kuwaas caqli uma kordho in lala yooyootamo ma ahaba .

Somaliland iyo Somaliya anaga ayaa mideynay iyagu waxba ma mideyn karaan car Xamar ha mideeyaan , Car bal waa kaas ee Ceel Buur ha Tago Waa reer Ceel-Buure ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Dhinca kale muddane Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu fariimo digniin iyo hanjbaado ah isku barkiyey gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo ay hor taalo dacwad uu xisbiga UCID ka soo gudbiyey xildhibaano xisbiga UCID ka soo baxay oo dhawaan shaaciyey in ay Kulmiye ku biireen

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan