Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni
Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray
Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

tmp_18323-IMG_EAF95E-859715-C22AE3-82C7CF-AEDD65-F8BDB0-554750421

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xidhiidhinaayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.