Muwaadiniin reer Somaliland Ah Oo Tuug reer Xamar Ah Lacag Kaga Dhaceen Adeegga ZAAD-ka Ee Shirkadda TELESOM

Hargeisa(GNN):- Shirkadda Isgaadhsiinta telefoonnada ee TELESOM, ayaa noqotay biriij loo adeegsado qaab cusub oo tuugo casri ah oo tuug  ku sugan dalka Soomaaliya ay ku dhacaan hantida muwaadiniinta reer Somaliland.

Adeegga lacagaha telefoonnada lagu isugu diro ee ZAAD ee ay leedahay shirkadda isgaadhsiinta TELESOM, ayaa noqday mid sahlay in si fudud tuugo reer Xamar ahi lacago uga dhacaan dadka reer Somaliland ee iyagu isticmaala adeegan, iyagoo dadka u soo diraya farriimo been ah oo muujinaysa lacag laga soo diray nidaamka EVC ee shirkadda isgaadhsiinta Soomaaliya ee HORMUUD ee ay mataannaha yihiin TELESOM, kadibna iskaga dhigaya in lacago kaga soo khaldameen oo intay la soo xidhiidhaan ka dalbanaya in loo celiyo lacagtaasi.

Dad fara badan oo muwaadiniin reer Somaliland ah, ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey lacago fara badan lagaga dhacay habka tuuga casriga ah ee ay adeegsanayaan tuugo ku sugan Soomaaliya oo soo dhexmaraya shirkadda TELESOM, kuwaas oo aan ilaa hadda meel ay u raacaan hanitoodii hayn.

Farriimaha ay adeegsanayaan tuugadan casriga ahi waxa ka mid ah; ‘(-EVCPLus-) $100 ayaad kaheshay Cabdisalaan Caabi jaamac, haraagaagu waa $480,’ taas oo laga soo dirayo lambar 0612933142, iyadoo magaca lambarkan ku diiwaangashani uu yahay Cabdulaahi Maxamuud cabdi.

tuugada xamar

Habkan tuugada ah ee la isku kaashanayo shirkadaha TELESOM iyo HORMUUD, ayaa lacago kala duwan lagaga dhacay dad badan oo ah ganacsato, masuuliyiin iyo dad kale oo arrintani saamaysay ilaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay, kuwaas oo gaaf-wareegaya xarumaha T

Shirkadda TELESOM oo iyadu ballanqaaday inay xafidayso hantida ummadda reer Somaliland, isla markaana marka ay dadka u diiwaangelinayso adeegga ZAAD ka buuxisa qoraal (form) u muuqda in lagu ilaalinayo lacagta, ayaan hadda awoodin inay hantidooda u soo celiso dadka la dhacay, iyadoo muwaadiniinta lacagtu ka maqantahay ee u sheegtay in la diiwaangeliyo, isla markaana ay arrintan kala hadlayaan shirkadda HORMUUD ee Xamar ku taal oo keliya, balse haddii tuugadaasi markiiba kala baxdo lacagta telefoonnadooda aan la helayn meel loo raaco.

Arrinta layaabka leh waxay tahay maadaama Somaliland tahay dal gaar ah oo aan ka mid ahayn Soomaaliya, isla markaana shirkadda Telesom ku doodo in aanay qayb ka ahayn shirkadda Soomaaliya ee HORMUUD sababta keentay in si bilaa shuruud ah ay isugu xidhmaan adeegyadooda lacagaha la isugu dirayo, iyadoo aanay jirin wax kala xadidayaa.

Qaar kamid ah muwaadiniinta hannaankan casriga ah loo dhacay, ayaa wargeyska Hubaal u sheegay inay dacwadooda ka diiwaangeliyeen maxkamadaha dalka, isla markaana ay dalbadeen in maalkoodii lagaga xaday adeegga Zaad-ka ay hannaan sharci ah ku baadi dooni doonaan.

Hargeisa Somaliland
Xigasho Wargeyska Hubaal.