Yuusuf Garaad Cumar wasiirka cusub Ee arimaha dibada somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland W.Q/Selebaan Sahal Haji

Yuusuf Garaad Cumar iyo Jamhuuriyada Somaliland W.Q/Selebaan Sahal Haji (update).
Wasiirka Arrimaha debada ee Somaliya Yusuf Garaad Cumar oo hore u ahaa Saxafi ka tirsan Bbc Somali , waa nin xog ogaal u ah Somaliland iyo arrimaha ka dhexeeya Soomaliya wuxuu sidoo kale wuxuu hayaa xogo badan oo ay ku helay xirfadiisa Suxufinimo oo ku saabsan mawduucan, wuxuu saaxiibo badan ku leeyahay Somaliland gudaheeda.

Yuusuf Garaad Cumar , Wasiirka Arrimaha debada ee Somaliya wuxuu ka duwan yahay inta badan Wasiiradii hore ee Jagadan soo qaban jiray ama loo magacaabi jiray mudooyinkii dambe waayo wuxuu kasoo jeedaa magaalada Mugdisho mudooyinkii dambe wasiirka Arrimaha debadda Somaliya waxaa inta badan qaban jiray wasiiro deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland .
Magacaabista Yuusuf Garaad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha debada ee Somaliya marka koowaad waa khatar cusub oo Somaliland kusoo fool leh hadii aan laga digtoonaan sababtuna waxaa weeye wuxuu xog badan ka hayaa qadyada ictiraaf raadinta ee Somaliland, waa nin aan Jeclayn goonni isu taagga Somaliland balse wuxuu si aan qarsoodi lahayn uga garaabaa inay Somaliland horumar gaadhay, muddoba dhawr jeer ayuu Hargeysa u yimi socdaalo kala duwan.

Yuusuf Garaad waa wasiirka kaliya ee aaminsan waliba goob joog u ahaa xasuuqii bulshada ay u gaystay dowladii kacaanka maqaal uu Yuusuf Garaad qoray oo ciwaankiisu yahay Siyaasadda Dibadda ee Somaliland Inqaasta Yuusuf Garaad ayuu ku yidhi ” Doodaha Soomaaliland waxaa ka mid ahaa in la xasuuqay dadka Somaliland oo Qarankii Soomaaliya uu u adeegsaday ciidankii dowladda oo wata madaafiicda goobta, dabbaabado iyo dayaarado, welibana adeegsanaya calooshood-u-dirir ajnebi ah iyo qaxooti ka yimid Ethiopia. Waa dagaal aan aniga lafteydu 1989 iyo 1990 aan indhaheyga ku arkay qaar ka mid ah xad gudubyadii dadka rayidka ah loogu geystay Hargeysa, Berbera, Burco, Beer iyo weliba Borame iyo baadiyaheeda ilaa tuulooyin Awdal ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qolujeed, Xaliimaale, Boon, Weeraar iyo Beysaarre “.

Yuusuf Garaad oo xukumada Somaliya hada wasiir ka noqday wuxuu si weyn u taageersanaa wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya u dhaxeeyay balse ujeedadiisu waxay ahayd midnimo dambe oo ah in Hargeysa laga maamulo mugdisho , wuxuu ka mid ahaa guddigii Wadahadalka ee Somaliya gaar ahaan qaybtii Aqoon yahanka ee Ankara , Dr. Xuseen Bulxan oo ay shirar Somaliland iyo Somaliya ku saabsan ay wadaageen Yuusuf Garaad ayaa habeen uu Hargeysa ka jeediyay khudbad sheegay in Ergada uu Yuusuf Garaad ka mid ahaa ee Somaliya ka socotay ay haayeen qaar macquuliyada u dhow , Yuusuf Garaad oo ka socday wuxuu aaminsan yahay in wadahadalka Somaliland iyo Somaliya lasii wado oo laga midho dhaliyo.

Yuusuf Garaad wuxuu aaminsan xog ogaal badan u yahay arrimaha Aqoonsiga iyo midnimada wuxuu isla maqaalkiisa “Siyaasadda Dibadda ee Somaliland Inqaasta Yusuf Garaad ” ku yidhi ” waxaan muran ka joogin arrinta aqoonsiga Somaliland sida ay muhiimadda koowaad ugu tahay Hargeysa in xaalku ka duwan yahay Muqdisho ” .
Saleban Sahal Hajji.

Log1