Akhriso:-War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xuskii Sanad Guurada 18 May Ee Sanadkan

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay sanadkan joojisay

xuskii loo sameyn jiray sanad guurada ka soo wareegtay markii ay somaliland xoriyadeeda kala soo noqotey dalka Somaliya ee 18 May .

Image may contain: 1 person

Sidoo kale xukuumada ayaa la sheegay in ay go,aamisey in loo kala diro goobihii ay ka yimadeen ciidamada kala duwan ee Somaliland ee gaardiska ku mari lahaa wadada .

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo xukuumadu ka soo saartey arintan balse xogaha ay helayso shabakada Ilaysnews.com ayaa sidaasi u xaqiijiyey

Sababta ay xukuumadu u joojisay xuska 18 may ee sanadkan ayaa xogaha ay ilaysnews.com ku sheegen in ay tahay abaaraha xoogan ee dalka ka jira

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Neywork