Daawo-Musharax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Hogaamiye Xirsi Oo Cisbitalka Guud Ee Hargeysa Ku Booqdey Saxafi Muj . Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Hargeisa(GNN):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro iyo hogaamiyaha

xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa ay maanta cisbitalka guud ee magaalada Hargeysa ay ku soo booqdeen saxafi Yuusuf Cabdi Gaboobe oo xanuun halkaasi u jiifay mudooyinkii ugu danbeeyey .

Image may contain: 2 people

 

Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiye Xirsi oo warbaahinta la hadley markii ay soo booqdeen ka dib waxaa ay sheegen in xisbiga Waddani diyaar la yahay waxii lacag ah ee wax loogu qabanaayo caafimaadka Muj . Yuusuf Cabdi gaboobe isla markaana waxaa ay xukuumada ku dhaliileen in ay dayacdey oo aaney waxba ka ogeyn ragii Mujaahidiinta ah ee dalka u soo halgamey isla markaana maanta ka mid ah saxafiyiinta ugu cad cad dalka

Si kastaba ha ahaatee booqashadan maanta ay ugu tageen Muj Yuusuf Cabdi Gaboobe Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay maalintii shalay aheyd dalka dib ugu soo laabteen , isla markaana ilaa hada aaney booqanin cid masuulyiin ah oo ka socota dhinaca xukuumadu

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan