Deg-Deg-Ilo Xogogaal Ah Oo Sheegaya in Durba Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani uu Bulshadii ka Urursanayo Kaadhadhkii Iyo Waraaqahii Codbixinta Doorashada, Qadarka Lacageed Ee Uu Kaga Iibsanayo

Berbera(GNN):- Ilo Xog-ogaal Ah Oo ka Ag dhaw Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Ayaa Shabakada gabiley News U Xaqiijiyey in Hogaanka Sare  ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Kooxo u Sameeyey Si gaara Uga Shaqaysta Arrintan oo Hore Looga digay islamarkaana Wiiqaysa In Doorasho Xor Iyo Xalaal Ahi Dalka Ka Qabsoonto.

Waxaana Qorshaha Arrintani bilaabmay Wakhtigii Diwaagalinta Dalka La Wadday oo Ay Si gaara Culayska U Saareen Gobolada Barriga Somaliland, gaar Ahaan Magaalooyinka Berbera , Burco Iyo Ceerigaabo,

Ilahan Xogogaalka Ah  Ayaa Sheegay in Caasimada Hargeisa  Basas Lagaga Guray Bulshada Wakhtigii diwaan Galinta Kuwaas Laga Soo diwaangalinayey Gobolka Saaxil Iyado Kharashka Iyo Dhaqaalaha Ku baxay Dadkan oo u Badnaa Dhalinyar uu Bixiyey Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani, Waxaana u Fududeeyey Isku xidhka Bulshadan Laga guray Caasimada Hargeisa Kooxdan Ay Iyagu u Igmadeen fulinta Hawshan.

Doorasho_Somaliland5

 

Hadaba Arrintan Ayaa Dibada usoo baxday Wakhtigan oo Gobolada Saaxil Iyo Awdal laga Bilaabay Bedelka Waraaqahii Markii Hore Bulshada La Siiyey oo loogu Bedelayo Kaadhka Cod bixinta.

waxaana Kooxdan Xisbiga waddani Arrintan u xilsaaray Ay Durba Magaalada Berbera ka Dhex bilaabeen In Ay Bulshadii Qaadatay Kaadhadhkii codbixinta  inay ka ururiyaan iyagoo Qofkii Kasta ee ogolaada  ay kagaga Iibsanayaan Lacag Dhan soddon Dollar $30 halkii Warqad Ahba,

Iyadoo Sida La Xaqiijiyey Ilaa Gudaha Caasimada Somaliland ee Hargeisa Ay Ka Waddaan Arrintan oo Ay dadkii hore ay uga Soo diwaan galiyeen berbera ay ka ururinayaan  waraaqahii hore loo siiyey, iyagoo qof kasta siinaya soddon dollar oo lagaga iibsanayo.

Si kastaba Ha ahaatee ficilka Noocan Ah oo Ay masuuliyiinta ugu Sareysa Xisbiga Waddani Qorshihiisa Leeyihiin Ayaa Noqonaysa Midaan Hore Loogu arag Talaabooyinka Asxaabta Mucaaradka Iyo Muxaafadka Somaliland Intii Qarankan Dhidibada Loo taagay,

Sida La Ogyahay Xisbiga Mucaaradka Ah ee waddani Ayaa Isagu Arrintaa Maalintii Shallay Si Adag uga Digay in Talaabada Noocaas La Qaado, lana Ilaaliyo Qabsoomida Doorasho Bulshadu Si Xalaal Ah u Codayso oo Xisbiyada Tartanka Ku Jiraana Ay Si Nabad Galyo Ah ugu kala calaf Qaadaan.

Waxaana Arrintai horseedi kartaa Haddii Aaney Komishanka Doorashooyinka Qaranka U Xilsaarani Wax ka Qaban Mid Sababta In Dimuquraadiyadii Iyo Geedisocodkii nabada Somaliland Ay noqonayso mid lagu Riday God Madow oo Ka Dhan Ah Cadaaladii Iyo Geedisocodkii Nabada Somaliland.

La Soco Wixii Warar Ah Ee kasoo Kordha Arrintan.

Gabiley News Network

Berbera Somaliland

Gabiley.net Office.