Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Ayaa Saaka Xukun Kasoo Saartay Dacwadii Loo Haystay Eedaysane Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Iyo Waxa Lagu Xukumay

Waxaana maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay saaka ku dhawaaqday natiijada iyo xukunada ay kasoo saartay kiiskaa ay gacanta ku haysay.Waxaana maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa ay saaka si rasmi ah ugu dhawaaqday in Eedaysane Coldoon lagu xukumay muddo Laba Sano oo xadhig ciqaabeed ah iyada oo dhinaca kalena laga daayey ganaaxii la socday xadhigaasi.Waxaana xukunkaa Xadhiga ah  uu ka bilaabmayaa maanta oo bishu tahay 08-04-2017.Gabagabadiina xukunkan Labada Sanno ah ee lagu xukumay Eedaysane Coldoon ayaa salka ku haya kadib markii eedaymo ay Xeer Ilaalinta Somaliland kusoo oogtay Eedaysane Coldoon oo ay ku jireen inuu taageeray maamul lidi ku ah Somaliland