Dib U Milicso Labaatan Sanno Ka Hor Kaalintii Hogaamineed Ee Gudoomiyihii Hore Golaha Guurtida Alle Ha U Naxariistee Sheekh Ibraahin Sh Yuusuf Iyo Hogaaminta Maanta Ee Gudoomiye Saleemaan,W/Q-: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gudaha Ka Akhri Hab Sami U Socodkii Shirwaynihii Sadexaad Ee Beelaha S/land Uga Qabsoomay Guriga Shaqaalaha Hargaysa Iyo Kaalintii Hogaamineed Ee Gudoomiyihii Hore Golaha Guurtida Alle Ha U Naxariistee Sheekh Ibraahin Sh Yuusuf Sh Madar

ALLE ha u naxariistee Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Gudoomiyihii Hore ee Golaha Guurtida Sh Ibraahin Sh Yuusuf Sh Madar  31/7/2004 waxay doorashadii kadiska ahayd ee lagu soo doortay Gudoomiye Saleemaan Maxamuud Aadan oo ah  Siyaasi Caan ah oo Laba jeer u tartamay Kursiga Dalka ugu sareeya ee Madaxwaynaha  balse ku guul-daraystay waxay  doorashadiisu  Golihii Guurtida u horseeday in Golihii Guurtidu Gudan kari waayo  Hawlihii baaxada lahaa ee uu Qaranka S/land u hayay, Waxaana la gaadhay Waqtigii Bulshada S/land loo soo bandhigi lahaa kala duwanaashaha  Hogaamineed ee  Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan  Maxamuuud Aadan iyo ALLE ha u naxariistee Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf iyadoo sida Dayaxa oo Shan iyo Tobnaadka oo kale ay u muuqdaan kala duwanaashaha hogaamineed ee Labada Masuul .

Hadal waa run kama raystee waxaa Qarniyo lagu xusi doonaa Kaalintii Hogaamineed ee ALLE ha u naxariistee Sh Ibraahin Sh Ibraahin  Sh Yuusuf Sh Madar iyo Aqoonyahankii Garabkiisa fadhiyay ee Shir Gudoonka ahaa  Shirwaynihii Sadexaad ee Beelaha S/land ee  Guriga Shaqaalaha Magaalada Hargaysa ka dhacay iyo Kaalintay  ku lahaayeen Turxaan bixintii , Nabadyntii ,Dib u dhiskii ,iyo Hab sami u socodka hayaanka Dawladnimo oo maanta Toban Sanno ka dib ay Gadhwadeenka ka yihiin Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Saleemaan  oo Maanta Muddo Sadex iyo Toban Sanno ah Gudoomiye ka ah Golaha Guurtida bal aynu dib u milicsano Labaatan Sanno ka hor Hanaankii, Hogaamineed,  Daacadnimadii iyo Kartidii uu Sh Ibraahin iyo Ragii kale ay muujiyeen mudadii  uu socday Shirwaynihii Sadexaad Ee Beelaha S/land ka qabsoomay Guriga  Shaqaaaha Magaalada Hargaysa .

Maalin ku beegan 17/12/1996 waxay Shir gudoonkii Shirwaynaha Sadexaad ee Beelaha S/land ee Guriga Hayada Shaqaalaha ay soo hordhigeen Ergooyinka Shirka  Madasha Qodobo ku saabsan habsami u socodka Shirka si waxii la qaato ay ugu biiraan Xeer Hoosaadk uguna mid noqdaan Xeer hoosaadkii Shirka iyadoo ay doodaa ka qayb qaateen 58 Ergay iyo Goob Joogeba iskugu jiray waxaanu Shirgudoonkii Shirwaynuhu  falanqayn ku sameeyay Doodii Ergooyinka iyo Goob Joogayaasha ka dib markuu eegay tixgaliyayna soo jeedimihii iyo doodii xubnaha isla markaana uu qadiriyay duruufaha kala duwan ee Shirwaynaha iyo baahida Shirku u qabo Nidaam Anshaxmarintiisa leh iyadoo Qodabada ka soo baxay qaar laga reebay Qodobada qaarkoodna wax lagu kordhiyay halka qaarna meel  la iskugu geeyay iyadoo Cod loo qaaday Qodobo Shana oo lagu kordhinayo Xeer Hoosaadka Shirka waxayna u dhaceen sidan.

Shanta Qodob Ee Lagu Kordhinayay Xeer Hoosaadka Shirwaynaha Sadexaad Ee Beelaha S/land Ayaa Qeexayay Habsami U Socodka Shirka, Ilaalinta Waqtiga, Iyo Anshax Marinta Ergooyinka  Iyadoo Qodob Qodob Cod Loogu Qaaday

1) Xaadirinta Ergooyinka iyo Goob joogayaashu waxay bilaabmaysaa 8:30 Subaxnimo hadii ALLE yidhaa Ergada ama Goob joogaha aan waqtigaasi joogin waxaa loo aqoonsanayaa xubin maqan .

Qodobkan waxay codayntiisu u dhacday sidan  24/12/1996 Waxaanu Ku Ansaxay Sidan .

Qodobka 1aad ogol   261  Diidan 2      Aamus 2         Tiro Kooram 272

2) Sagaalka Subaxnimo hadii Alle yidhaa waxaa bilaabmaysa hawlaha u taal Shirwaynaha waxaanu yahay jadwalka shaqadu sidan .

8:30 Ilaa 9 AM Xaadirinta

9:00 Ilaa 10:30 AM Barmaamijka Shaqada

10:30 Ilaa 10:45 AM Nasasho yar

10:45 Ilaa 12:45 AM Barmaamijka Shaqada

Qodobka Labaad Waxay Codayntiisu U Dhacday Sidan 24/12/1996 Waxaanu Ku Ansaxay Sidan

Qodobka 2 aad   Ogol 262    Diidan 2        Aamus 8          Tiro Kooram 272

 3) Ergayga ama Goob joogaha ka maqnaada Shirka cudur daar la”aan ( Sobob la”aan )waxaa Maalinta hore la siinayaa digniin Afka ah mar Labaad Digniin Qoraal ah mar Sadexaadna waxaa go”aan la xidhiidha anshax marintiisa ka gaadhi doona Shir gudoonka Shirwaynaha Beelaha S/land .

Qodobkan Waxay Codayntiisu U Dhacday Sidan 24/12/1996 Waxuuna  Ku Ansaxay Sidan .

Qodobka Sadexaad Ogolaatay 221       Diidan 41      Aamus 11              Tiro Kooram  273

4) Inta Shirka la fadhiyo Qofka baxa fasax la”aan kuma soo noqon karo Hoolka Shirka ,waxaanu ka dhignaan doonaa isaga oo maqan Anshaxmarintiisuna waa sida ku cad Qodobka 3 aad ee ka horeeyay Qodobka Afraad .

Qodobkan Waxay Codayntiisu u dhacday Sidan  24/12/1996 Waxaanu Ku Ansaxay Sidan  

Qodobka Afraad Ogolaatay   151       Diidan 101             Aamustay 21              Tiro Kooram 273

5) Qofkii ka baxa shirka iyadoo la isku diyaarinayo codaynta ama la codaynayaba waxuu luminayaa Ergaynimada Beeshiisuna way soo badalenaysaa .

Qodobkan Shanaad Codayntiisu Waxay U Dhacday Sidan 24/12/1996 Waxaanu ku Ansaxay Sidan

Qodobka Shanaad Waxaa Ogolaaday 138      Diidan 131        Aamus  4         Tiro Kooram 273 Ergay

 

Marka  Taariikhdu sidaa xusayso Labaatan Sanno ka hor Kaalintii muuqatay ee Golaha Guurtidu ku lahaa  Xalinta khilaafaadka Dhinac kasta Turxaan bixinta Hawlihii Nabadaynta ,Dardar galinta hawlaha Qaranka, habsami u socod siinta hayaanka Dawladnimo ,arimaha Doorashada iyo guud ahaan Marxaladihii uu dalku soo maray waxaase isawydiin mudan toban Sanno ka dib.

Golaha Guurtidu Labaatan Sanno ka dib ma yahay mid u shaqeeya oo waajibaadka Qaranka u guta siduu Toban Sanno ka hor u shaqeenayay? Hadii aan mooganahay Ma haysaa cadaymo muujinaya  jadwalka Xill gudasho ee Golaha Guurtida ee Maanta ?  Ma muuqataa Kaalinta uu ku leeyahay Golaha Guurtidu xalinta Khilaafaadka Siyaasada iyo Xalinta Dirirta Beelaha S/land ka dhex dhaca ?   Maxaa u kordhay Golaha Guurtida Toban Sanno ka dib ?  Maxaa ka dhacay Toban Sanno  ka dib Golaha Guurtida ? Marka aynu isbarbar dhig ku samayno Hab sami u socodkii Waqtigaa iyo Maanta waa maxay faraqa u dhexeeyaa ? Ma ka muuqataa Kaalintii Hogaamineed ee Shir Gudoonku Golaha Guurtida Gudoomiye  Saleemaan ? Muwaadin maxay ku kala duwan yihiin Xilldhibaanada Golaha Guurtida ee Toban Sanno ka hor  Xulashada Beelaha  ku yimid  iyo Xilldhibayaasha Golaha Guurtida ee dhaxalka ku yimid ?

Doorkii Xill Gudasho  Ee Golaha Guurtida Iyo Kaalintii Hogaamineed Ee ALLE Ha U Naxariistee Sh Ibraahin Sh Yuusuf Sh Madar Iyo Ragii Garabkiisa Fadhiyay Ee Shir Guduunka La Ahaa Shirwaynihii Sadexaad Ee Beelaha S/land Ee Hutelka Shaqaalaha Magaalada Hargaysa .

Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land