Guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada Xisbiga Ee WADDANI Iyo Xubno Kale Oo Xabsiga La Dhigay +Sababta

Hargeisa(GNN):-Ciidanka xaalada deg dega ah u tabo-baran ee RRU-da loo yaqaan oo maanta hawlgal ka fulinayay Agagaarka dhismaha Hotelka Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde ayaa ka kaxaystay goobtaasi, Gudoomiyihii garabka dhallinyrada xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame iyo tiro suxufiyiin ah.

Goobta laga xidhay xubnahan ayaa ahayd Huteel marwada Madaxweynuhu leedahay oo dawladda hoose ee Hargeysa ay ka fulisay hawlgal ay ku baneenaysay Wadooyin Ay Xidheen dhismayaasha ku yaallay Agagaarka Wadadu, waxaanay ciidanku halkaasi ka qabqabteen dad looga shakiyay inay wadeen is-hortaagis Amarkan Kasoo Baxay Maamulka Dawlada Hoose Hargeisa

Ciidanku waxa ay la wareegeen wadooyinka soo gala Hotelka sidoo kale waxa ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha goobaha maraya. Iyagoo Markaa Suga Amaanka Magaaladu Si Aanu Ugu Iman Khalkhal Iyo Buuq Sababa Rabshado Waxyeelo Soo Gaadhsiiya Suuqa Ganacsiga ee Bulshada.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.