Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Casho Sharaf Maamuus Leh Kusoo Dhaweeyay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa soo dhaweyn casho sharaf ah oo si maamuus leh loo agaasimey kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Dahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan taas oo ay isku qaabileen si kal iyo lab ah.

Munaasibadan Casho Sharafta ah ee Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ku maamuusey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa oo ku qabsoontey  Guriga uu ka degenan yahey Caasimada Hargeysa,waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin badan oo katirsan Golaha Xukuumada Siyaasiyiin uu kamid yahey Wasiirkii hore ee

 

 Wasaarada Warfaafinta Xukuumadii Daahir Rayaale Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ay saaxiibo aad isugu dhaw yihiin xiligan Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici,waxaaney casho sharaftani ku bilaabantey jawi aad u wanaagsan oo kaftan is lab xaadhasho ah ku bilaabantey kuna dhamaatey.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,oo siweyn uga mahad celiyey casho sharafta uu ku maamuusey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-saylici waxa ay labadoodu sigaar ah isaga xogwareysteen guud ahaanba Siyaasada Somaliland arimaha Gobolka Awdal ee xiligan iyo sida ay muqadaska u tahey in ay Reer Awdal danaha istaraatijyada Gobolkooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen waxaaney si hoose oo gaar ah isula soo qaadeen guud ahaanba caqabadaha xadhig maranka ku noqdey doorka Siyaasadeed ee Gobolkaasi iyo halka daaweyntooda loo mari lahaa.

Geesta kale Marwada Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan ayaa,iyaduna si kal iyo laab ah oo xiisa gaar ahi ku lamaan yahey u qaabishey Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan iyadoo Hudi ka mahad celisey soo dhaweynta qiimaha iyo sharafta leh ee ay ku qaabileen Madaxweyne Kuxigeenka iyo Marwadiisu siweyn oo dareen lehna uga mabsuudey guud ahaanba wujuuhda lagu qaabiley.