Markab Hindiya Laga Leeyahay Oo Xeebaha Soomaaliya Lagu Qafaashay –

Budhcad badeed ayaa Markab xamuul ah oo Hindiya laga leeyahay ka afduubtay xeebta Soomaaliya sida uu xaqiijiyay maamulka Puntland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dekadaha ee maamul goboleedka Puntland Maxammuud Gabax ayaa BBC-da u xaqiijiyay in afduubkaasi uu dhacay.

Ma cadda meesha uu markabku ka yimid, meesha uu u socday iyo meesha hadda lala aaday toona.

Warbaahinta Hindiya waxay sheegtay in markabkaas ay saarnaayeen 11 ruux lana qafaashay Sabtidii.

Bishii hore ayay budhcad badeedu ku guulaysteen afduubkii u horeeyay ee ay u gaysteen markab ganacsi oo wayn tan iyo sanadkii 2012kii.