Maxaad Ka Taqaan Sideeda Kooxood Ee Awooda U Leh Musuq-maasuqa Aafeeyay Wadamada Afrika Iyo Baahida Loo Qabo Hogaamiye Qaranka S/land Badbaadiya .

Aafada Musuqmaasuqu waa cudur  dhib wayn ku haya  habsami u socodka hanaanka  Dawladnimo ee Dunida ku noolahay Dal kasta oo Aafada Musumaasuqu dabarka goostaana waxay bulshadiisu daris u noqdaan Sarif Barar Cidhiidhi Nololeed iyo Dhaqaalaha Dalka oo gacanta u gala koox yar  waxayna taasi sobobtaa Cadaawad iyo isnacayb bulshada dhexdeeda ka dhaca   waxaana suuro gal noqda  Awood Maroorsi, Colaado, Gaajo iyo Barakac Ku soo noqnoqda  guud ahaan wadamada Soo koraya ee Afrika hormood ka tahay.

Calaamada koowaad ee lagu garto Qaran kasta oo Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto waxaa lagu gartaa Hayadaha u qaabilsan la dagaalanka ayaa gabi ahaanba noqda kuwa hawl gaba oo aan waxba ka qaban karin Aafada Musuqmaasuqa ugu danbayna iyagu qayb ka noqda macaamilka Musuqmaasuqa .

Sidoo kale Aafada Musuqmaasuqu waxay  sobob u tahay gaajada iyo daranyada Malayiin qof oo ku nool Aduunyada guudkeeda gaar ahaan Afrika iyo  wadamada loo yaqaan dunida Sadexaad waana maraga Koowaad ee Astaanta u ah Wadan kasta oo Aafada Musuqmaasuqu dabarka goosto waa maamul xumo baahsan Waxaana mid lagu xusi doono Sooyaalkiisa  Madaxwayne kasta oo dalkiisa u horseeda Musuqmaasuqa  hadiise aan hoos ugu daadago dulucda maqaaalkayga kooxda tobanka ayaa dalkasta hormood  u ah  Aafada Musuqmaasuqu waa tobanka  kooxood ee qormadan ku falanqayn doono  waana Astaamaha waawayn ee lagu garto  Dalkasta oo Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto anigoo qoraalkan mid mid farta ugu fiiqi doona kaalmaha  ay ku kala Jiraan kooxda dhiig miiratada ah ee ku heshiiyay Aafada Musuqmaasuqus .

Waa Maxayse Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xarafka [ M] Iyo Musuqmaasuqa?

1; Madaxwayne

2; Maalqabeenno

3; Masuuliyiin

4; Maamullo

5; Maareeyayaal

6; Maayarro

7; Madaxdhaqmeed

8; Mudanayaasha Guurtida Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanka

1; Madaxwayne waa awooda ugu saraysa qaranka  waa hogaamiyaha siyaasadeed waxkasta  oo mudo xileedkiisaa  dalka ka Dhacana isaga ayaa Masuul ka ah Maahmaah Carbeed ayaa tidhaa [Bani aadamku waxay haystaan diinta boqorkooda] waxaana maanta bogaga taariikhda Diiwaankooda ku jira Boqoro Madaxwaynayaal Wasiiro Siyaasiyiin Wadamadoodii  u horseeday Musumaasuq oo maanta shacabkii ay xukumayeen la ildaranyihiin colaado gaajo iyo cidhiidhi nololeed .

 

2: Maalqabeeno waa Mulkiilayaasha Shirkadaha Ganacsiga ama Tujaarta ama Maalqabeenada ay gacantooda ku jiro dhaqaalaha Wadanku ay Maamul Wanaaga iyo Dhismaha Dawladnimo ay kaalin muuqata ku leeyihiin sidoo kale nolosha Bulshadu waa Astaan lagu garto hadba intay Maal-qabeenadu ku shaqeeyaan Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq-maasuqa ay tahay mid ka muuqata Nolosha Dadwaynaha ”waxaana hubaala in qofkasta  oo dalka gudihiisa Jooga waxaa kasoo gala faa’iido waxaana la xaqiijinayaa In  qofkastaa u noolyahay Tujaarta bulsho kastaana waxay Ku qiimaysantahay halka ay dhigaan tijaarkoodu ama Maalqabeenkoodu waxaanad  moodaa In Wadanka aynu ku noolahay ee S/land ay ka muuqato Miyi Iyo Magaalaba halka uu dhigay Maalqabeenkoodo .

3; Masuuliyiintu: waa gacan yarayaasha u adeega Madaxwaynayaasha Boqorada sida Golaha Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada Agaasimayaasha guud ee ka taliya Dalalka Afrika iyadoo mar kasta oo Aafada Musuq-maasuqu dabarka Goostaa Masuuliyiintiisu waxay noqdaan Masuuiyiinl sharciga iyo xeerarka dalka ka  sareeyo awooda Madaxwaynaha ama Boqorka u adeegta hadaba iyagoo fulinaya awaamiirta  iyo rabitaanka hogaamiyahooda waxay shacabkooda kula kacaan waxkasta oo ka soo burqada maanka iyo maskaxda hogaamiyahooda waxaanay taasi shacabkooda u horseedaan Maamul Xumo ,Qaraabo kiil, Sarif Barar, Dhaqaale Xumo iyo Nolol Cidhiidhi ah .

4: Maamulo: waa  maamulayaasha gacan yarayaasha u ah masuliyiinta aan ku faahfaahiyay qodobka Sadexaad   waana furayaasha albaabada u fura Musumaasuqa Maamuladan ayaa ah kuwa aad u firfiroon oo inta badan hela xogaha qarsoon waxaanay u gacan u haadiyaan Musuqmaasuqa iyagoo masuuliyiinta ka tilmaama una toosiya sidii ay ugu fududayn lahaayeen in si dhibyar loogu tari falo hantida Umadda.

5: Maareeyayaal: waa madaxda  maamula goobaha muhiimka ah ama halbawlayaasha ah  Qaranka sida Dakadaha, Wakaaladaha biyaha iyo korontada, ee gacanta dawlada ku jira waana madaxda ugu awooda badan dalalka Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosto.

6: Maayaro :waa gudoomiyayaasha xukuma magaalooyinka waawayn kuwaasoo shuruucda ku qorani sheegaan in ay u madax banaan yihiin shaqadooda”balse dalalka uu xakamaha goosto Musuqmaasuqo waxay noqdaan Madax gaadh adag ka haya  rabitaanka masuuliyiinta qaranka ugu saraysa waxaanay badalkeeda loogu badalaa  laguna maamuusaa  awoodo badan iyo fasax dheer loo siiyo Aafada  Musumaasuqa  iyadoo  balan loo qaado in aan la badali doonin

7;Madaxdhaqmeed: waa Suldaanada, Cuqaasha,  Nabadoonada, iyo Odayada magayada la xurmeeyo Sita,  dalkasta oo xakamaha goosto Aafada Musuqmaasuqu waxaa dhaca isku milan bulshada iyo madaxda ah waana ta sobobta in ay bulshadu faraha ka qaadaan dhaqnkii soo jireenka ahaa sidaa darteed waxay hogaamiyayaashu shacabku iyo magacyada qabaailku ka qayb qaataan musumaasuqa waxayna  helaan  awoodo uu ugu habran karo Masuulku  waana difaaca koowaad ee ku gaban karo haduu sharcigu qabto Masuulku .

8: Mudanayaasha: waa Xildhibaanada, Guurtida, Wakiilada, iyo Golaha Deegaanka, ee shacabku ku soo doortaan nidaamka Dimuquraadiyada ee doorashooyinka tooska ah  ka dhacaan waana xildhibaanada ka wakiilka ah bulshada Rayidka ah balse dalalka ay Aafada Musumaasuqu  ku habsato Xildhibaanada ay soo doortaan  waxay maankooda iyo maskaxdoodaba buux dhaafisa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Aafada Musuqmaasuqa waxayna  si mugleh uga qayb qaataan Aafada Musuqmaasuqa.

isku soo wada duuboo  waxaa bulsho waynta somaliland la gudboon in maanka iyo maskaxdaba ku hayaan masuulkii ay dooran lahaayeen hogaaminta shanta sano ee soo socda.

 

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud