Shirkii Hoodaale ee Bristol oo si habsami ah u qabsoomay

“Dee hadaad jeclaydeen inaad hadalkayga maqashaan meelo badana waan ka maqasheen caawa aniga waxa farxad ii ah idinkoo UK meelo badan iska kala yimi inaad wixii dhexdiina yaalay  dawaysaan isku kaashataan hawl culus baa ina sugaysa oo aan ciyaar ciyaar ahaydn oo aan fududayn…..……. Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale

Bristol (Gabiley.net) Waxa si habsami leh shalay ilaa xalay uga socday magaalada Bristol shir aan noociisu hore uga dhicin magaalada kaas oo loogu magac daray Hoodaale.

DSC02031

Shirkan oo ay beesha ku abtirsata Hoodaale ee magaalada Bristol iskugu yimadeen oo daranaa sidii beeshaasi Hoodaale ay uga wada tashan lahayn aayahooda haday noqoto dhinacyada abaaraha, waxbarashada, beeraha, dabcsan dhinaca siyaasadaba iyo waliba ayidaada go’aamadii ka soo baxay shirkii Hoodaale ee wadankii lagu qabtay.

 

Shirkan qaybtiisa hore oo ahayd casuumad iyo hadhimo ay beeshu Hoodaale u fidisay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bristol oo lagu wada qadeeyey la iskuguna duceeyey.

Qaybtii danbe ee shirka ayaa ahayd ta mihiimada gaarka ah u lahayd beesha oo lagu qabtay Hudheel ka mid ah kuwa ugu qaalisan magaalada Bristol lagana yidhaahdo Future INN.

Xafladan danbe oo ay isku yimaadeen Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha, Aqoonyahanka, Dumarka iyo carruurta beesha Hoodaale.

maxamedyeyMaxamed Yey Shaafici -Guddoomiyihii Guddida Siyaasadda ee suurto geliyey inuu shirkani qabsoomo

Ugu horeyn waxa shirka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka qaban qaabada shirka Mudane Khadar  Jaambiir oo u mahadnqay dhammaan dadkii ka soo qayb galay ee ka kala yimi dhammaan daafaha wadanka Ingiriiska ee madasha ku sugnaa, waxaanu Ilaahay shirka uga baryay in uu noqdo shirku mid mideeya danaha beesha Hoodaale guddo iyo dibadba.

DSC02151

Waxa isaguna khudbad qiimo badan ka jeediyey Guddoomiyaha qaban qaabada shirka Mudane Cabdi Cismaan Xirsi (Cabdi Dhoore) oo ku dheeraaday muhiimada shirkan iyo wadadii ay u soo mareen inuu shirkan dhaco taas oo ay ku hawlanayeen muddo 8 bilood ah.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay guurtida magaalada Bristol Xaaji Cumar C/laahi Buuni (Cumar Siyaad) oo waano iyo wacyigelin dadka u soo jeediyey kuna dheeraaday sidii doorashada wadankii ka dhici doonta xooga la saaro oo aan la is dhigan oo aan la odhan xisbi xaakimkii ayaynu nahay iska fadhiista ee waa in waxbadan ayaynu qaban karnaaye hadaynu nahay qurbe jooge fadhiga laga koco wakhtiyar ayaa ka hadhay doorashadiiye.DSC02107

Waxa isaguna xaflada ka hadlay Nuux Sheekh Maxamed oo ah Mujaahid Shiine walaalkii oo aad ugu dheeraaday wada jirka iyo wax wada qabsiga beesha Hoodaale oo uu da’daa uu jiro aanu arag shirkan oo kale oo uu caawa aad u faraxsan yahay.

DSC02091

Waxa sidoo kale xaflada khadka telefoonka kaga qayb galay siyaasiga weyn ee C/cashiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Aad baan idiin wada salamayaa, waanahay fiicnaan lahayd inaan inaan shirka idinka kala qayb galo, waxbadan idin odhan maayo kolay waxaynu isku sheegi wax qof waliba og yahay, haday tahay hawsha xisbiga iyo ta reerkaba, waxaad ogaydeen in muddo dheer tartan iyo turxaan badani jirtay waxa bushaaro ah in inteedii badnayd lagu kala bogsaday, la ilbaxay la is dhisayo musharaxa xisbiguna uu yahay walaalkay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi aynu isku kaashan doono xoog iyo xoolaba sidii aynu tallo iyo tusaale qof walba waxa la guddoon uu halkiisa kaga soo bixi lahaa taas uunbaa inoo dardaaran ah. Waan ku farxay caawa dad badan oo laga yaabo inay muddo kala maqnaayeen ay caawa wada joogaan, in la wada joogo oo la tashado ayaana asal ah, tartanka iyo ciyaartuna waa shay loo baahan yahay aakhirkana meel la iskugu yimaado oo gacmaha la is qabsado oo wixii turxaan ah ee timina la iska raali galiyo raalina la kala ahaado meelna looga soo wada jeedsado hawsha aynu qabanayno, taas oo aan rajaynayo inaynu gacmaha isku qabsan doono Ilaahayna aynu ka baryayno idimka Ilaahay inaan guulasan doono ayaan idiin rajaynayaa

Khadar Jaambiir.

Dee hadaad jeclaydeen inaad hadalkayga maqashaan meelo badana waan ka maqasheen caawa aniga waxa farxad ii ah idinkoo UK meelo badan iska kala yimi inaad wixii dhexdiina yaalay  dawaysaan isku kaashataan hawl culus baa ina sugaysa oo aan ciyaar ciyaar ahaydn oo aan fududayn oo u baahan muruq iyo maal in la isku geeyo qof waliba wuxuu qaban karayo ama arrin ah dhammaan gacmaha la isku qabsado taas baana inoo ballan ah Ilaahay idimkii inay wanaag idiinku dhammaato, hawl kasta oo socotana laga waayi maayo kacaa kuf , laga waayi maayo hawl kasta oo socota in dhinac uga baxda oo ka soo horjeedsata ashkhaas way iman waligeedna way dhacaysay waanay dhacaysaa waana wax nolosha ka mid ah, laakiin inta badan iyo inta talo ka go’do inta xooga …. Inta loo badan yahay ay dhinac isku raacdo ayaa muhiim ah waxa inoo ballan ah KULMIYE iyo Muuse oo la dhiso. Hadaan anigu mar ka tartamayay xisbiga gudihiisa aniga iyo walaalkay Muuse iyo Maxamed Biixiba qadarku wuxu keenay in walaalo Muuse yahay murashaxa anna waxa nala gudboon  in aan barbar istaagno kii soo baxa ayaa la dhisi lahaaye aan isaga dhisno aad baan idiin salamayaa shirku guul ha idiinku dhamaado”.

Cabdi Dhoore

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Marwooyinka Hoodaale kuwa Bristol iyo Londonba, Yaasmiin Cabdi Ruush, Nuur Cumar Guudle iyo Foosiya Caydiid waxaanay  kuwada dheeraadeena sidii ay u dhisi lahaayeen dhexdana ugu xidhan lahaayeen wixii xoog iyo dhaqaale ah ee ay u hurayaan murashaxa xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Cabdi.

DSC02122

Waxa isaguna hadalka qaatay Abwaan Ibraahim Qumaaj oo si weyn ugu dheeraaday gabayo calanka Somaliland iyo siyaasiinta mucaaridka oo darjiidhay, wuxuuna jawaab siiyey Murashaxa madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee xisbiga Wadani kaas oo dhawaan magaalada London isagoo ku sugan yidhi “Hooday waxa igu tidhi reer hebel iyo reer hebel reer hebel qaado”oo la wada garanayo, waxaanu yidhi Abwaan Qumaaj, hooyaduna marka geeriyooto waa loo duceeyaa oo Alle ha u naxariisto ayaa la yidhaa, basle haddii aad noo sheegay inay hooyadaa beesha Hoodaale necbayd waxaanu ku leenahay Ilaahay hooyadaa ha u naxariisto oo naxariistiisa ha siiyo.

samaale

Xafladan oo si qiimaha leh u dhacday waxaa ka hadlay dad badan waxaanan idiinku soo wada gudbin doonaa Muuqaal, balse waxa xusid mudan gabadh yar oo 11 jir ah dhigana fasalka lixaad ayaa waxa ku aragtay iskuul galinka danbe lagu caawiyo oo waxaanay ku aragtay foosto lagu ururinayo cuntooyin ayna ku qoran tahay ha la caawiyo dadkeena abaaruhu saameeyeen, macalinkeedii markii ay waydiisayna wuxuu u sharxay baahida wadankii taala, ka dib gurigeedii markii ay ku noqday ayay hooyadeed iyo aabaheed waydiisay, waanay u sharxeen waxay tii yarayd samaysay wax cajiib ah, waxaanay bilowday inay lacag ururin ka bilowdo iskuulkii ay dhiganayaysay waxaanay soo samaysay saanbuuse iyo keeg carruurtii kale ayay ka iibsay maasha Allaah waxay ku ururisay 40 Pound lacagta Ingiriiska keegii iyo saanbuusihii ay carruurta isku iskuulka yihiin ka iibisay, waxaana xalay shirka lagu soo casuumay Cosob C/risaaq Ibraahim oo khudbad ka jeedisay shirka lacagna loogu ururiyey dadkii abaaruhu saameeyeen ee ay caawinaysay, in kasta oo aa qadarkii la ururiyey aanan hayn wakhti kale ayaan ka waraysan doonaa Cosob yar iyadoo muuqaal ahna waan idiin soo gudbin doonaa.

DSC02143

Dhammaan dadkii halkan ka wada hadlay ma soo koobi karayno waxaana ka mid ahaa Aadan Jaamac Xaddi guddoomiyaha Hoodaale ee UK, Guurti Oday Xasan Cali Wayd, Suldaan Cali Saleebaan Cawaale, Axmed Mooge Liibaan,  Barre Aw Gaab Dagaal iyo Murashaxiin Kibaar Daa’uud Yoonis iyo Maxamed BBC oo uu tartami doono Golaha Baarlamaanka Somaliland ee Gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga KULMIYE.

DSC02032

Isku soo wada shirkaasi wuxu ku dhamaaday guul iyo dhinaca meel uga soo wada jeedsi beesha Hoodaale ee arrimaha siyaasadda iyo dhaqankaba.

Goor dhow naga filo iyadoo muuqaal ah xafladaas oo dhammaystiran.

DSC01979 DSC01981   DSC01993 DSC02015 DSC02018 DSC02019   DSC02035 DSC02037  DSC02087  DSC02092 DSC02093 DSC02102 DSC02105  DSC02111  DSC02127 DSC02132     Hoodaale banner  DSC02142