Somaliland waxay ku qurux badan tahay wada tashi iyo is qancin! W/Q: Axmednur Maxamuud Khalif.

  • Tani iyo markii somaliland ku dhawaaqday in ay madax banaanideedii kala soo
    noqotay dawladii somaaliyeed waxay ku caano maashay is maqal iyo isku
    tanaasulid ku salaysan waayo aragnimadii laga soo dhaxlay rajimkii hore ee
    cadaadis iyo cadaalad la,aan ku bur,buray. Tani waxay somaliland u ahayd
    fursad ay mar labaad kula soo noqotay xornimadeedii iyo in la sameeyo
    somaliland sharcigu ka sareeyo qofkasta oo muwaadin ah. Hadii u yahay madax
    iyo hadii u yahay danyarta in si siman u wada helaan nimdaam shirci oo aan ku
    dhisnayn kala saranayn lakiin ku qotoma shuruucda dalka u yaala oo
    muwaadiniinta somalilaan si isku mid ah u damaanad qaaday sharaftooda,
    hantidooda , iyo xuquuqdooda in la ilaaliyo iyaga oo dhamaantood aan lo
    eegayn gobalka ama dagmada muwaadinku ka soo jeedno hase yeeshee waxaa
    mudooyinkii ugu danbeeyey soo if baxaayey in qaybo inaga mid ahii ay ku
    tumanayaan dastuurka jamhuuriyada somalilaan oo ay siyaabo khaldan u
    adeegsanyaan si ay qacantooda ugu dhigaan awoodo badan oo ayna xaq u
    lahayn.Arintani hadii ay sii socoto waxay sobabi kartaa in bulsho weynta
    somalilaan ay ku rido is aaminaad la,aan soo kala dhex gasha hadii arimahaa
    moranku ka taaganyahay si fiican loo maarayn waayo. Hadaba si aan taasi ugu
    badbaadno waxay somalilaan u baahantahay hogaamiye aragtidiisu dheertahay
    oo dantiisa ka soo hor mariya danta danyarta iyo ta guuud oo ku qotanta qorshe
    himiladiisu ku astaysantahay hormar iyo la xisaabtan dhab ah oo bulshadan ka
    saari kara duruufaha adag ee ku xeeran nolashooda oo aan u baahnayn hadal
    ama tiraab si fudud afka loga yidhaahdo.
    Muwaadinkast inaga mid ahi wuxu ku taamayaa in u arko somalilaan la wada
    leeyahay oo ayna cidi , cid ka xigin lakiin tani waxay iman kartaa marka aynu
    helo hogaamiye daacad ah oo gabi ahaanba meesha ka saara laxisaabtan la,aanta
    iyo mogaanta bulshadu kala kulanto madaxdooda.
  • Umadani waxay haraad wayn u qabtaa in laga xoreeyo qabyaalada iyo u
    nuglaanshaha xaqdarada si ay xuquuqdooda u dufaacan karaan markasta oo ay
    la kulmaan dhacdooyinka lidiga ku ah jiritaankooga .
    Hadal iyo dhamaantii hadii umadeenu intaasi garato dalkani wuxu gaadhi
    doonaa barwaaqo iyo himiladii la raadinaayey in ka badan lix iyo labaatan sano
    oo ilaa iyo hada aynu haybinayno