Tirada Soogalootiga Maraykanka Oo Hoos U Dhacday

Tiro ka yar 17,000 oo qof oo ah muhaajiriin aan dukumenti lahayn ayaa bishii Maarso la xiray, waana tiradii ugu hoosaysay tan iyo sannadkii 2000, sida laga soo xigtay hay’adda kastammada iyo xudduudaha ee Maraykanka.

Xoghayaha waaxda arrimaha gudaha, John Kelly, ayaa aqalka Congress-ka u sheegay in hoos u dhaca uusan ahayn mid iska yimid, wuxuuna u nisbeeyay madaxweyne Trump.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay Sharci dajiyayaasha in si la mid ah ay hoos u dhacday tirada qoysaska iyo caruurta ka soo tallaabaya xadka.

Saraakiisha ayaa caadiyan arki jiray in ay sare u kacday tirada dadka soo galaya dalka inta lagu jiro bisha Janaayo oo ah xilliga qabowga uu jiro, balse sanadkan ma aysan jirin tiro korodhay.

Waqtigii ugu dambeyay ee loo qabtay qandaraaslayaasha in ay ku soo gudbiyaan qaabkii ay u dhisi lahaayeen qorshaha darbiga laga taagayo xuduudda labada dal ayaa ku ekaa maalinti Talaadada.