War Dagdag ah Ciidanka Booliska Dagmada Togwajaale Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Gudomiyaha Iskaashatada Curiye Ee Togwajaale + Gudomiyaha Dagmada Togwajaale Oo Xadhigasi Lagu Eedeyay

Gabiley (GNN) War Dagdag ah Ciidanka Booliska Dagmada Togwajaale Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Gudomiyaha Iskuxidhka Ganacsiga Iyo Gaadiidka Iskaashatada Curiye Ee Togwajaale Cabdi Cali Askar
Waxana Xadhiga Gudomiyaha Iskaashatada Curiye Noo Xaqiijiyay Maxamed C.laahi Maxamed Oo Ku Magac Dheer (Maxamed Qonbor) Oo Kamid ah Masuuliyiinta Iskaashatada Curiye

Waxa Kaloo Uu Sheegay In Ciidamada Boolisku Baadi Goob Ugu Jiraan Xubno Kale Oo Kamid ah Iskaashatada Curiye Waxanu Ku Eedeyay Xadhigasi
Gudomiyaha Dagmada Togwajaale Aadan Muuse Cilmi Oo Uu Sheegay Inuu Amarka Bixiyay Kadib Markii Ay Dhawaan Masuuliyiinta Iskaashatada Curiye Magaalada Togwajaale Ku Qabteen Shir,jaraaid Oo Ay Kaga Hadlayeen Xafiiska Iskaashatada Curiye Oo Albaabada Loo laabay Islamarkaasina Ay Ku Eedeyeen Wasiirkuxigenka Arimaha Gudaha Gobolada Iyo Dagmoyinka Badhasaabka Gabiley Iyowaliba Gudomiyaha Dagmada Togwajaale Taasina ay Sababtay Xadhiga Gudomiyaha Iskaashatada Curiye

 

Gabiley.net

Office Gabiley