War-Deg-Dega:Shan Caruura Oo ay Ku Qaraxday Bambo Gacmeed Banka Wajeele Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac+Magacyada Caruurtaa

wararka naga soo gaadhaya magaalada Togwajaale ayaa sheegaya in bamboo gacmeed ay ku qaraxday shan caruur ah, shilkan oo ka dhacay banka Wajaale ayay wararku sheegayaan in dhimashadu tahay wiil halka afarta kalana ay qabaan dhaawacyo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fududba.

Waxaana caruurtan yar yar ay tiradoodu ahayd Shan caruura kuwaas oo Saddex kamid ah ay walaalo yihiin halka Laba kamid ahna ay yihiin Walaalo,waxaana ay ku noolaayeen gurri uu leeyahay Awoowgood oo lagu magacaabo Cabdi Jicsin isla markaana ka tirsan ciidanka Asluubta ee degmada Wajaale.

Agaasimaha dhalhtarka Togwajaale oo warbaaihmta u waramayay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa:

“Way jiraan,halkan Boolisku dagan yahay ee Mashruuca ee banka Wajaale la yidhaa ayey ahayd,markaa oday baa jira kamid ahaan jirey Asluubta odayaashii SNM-na ahaan jirey,odayguna cusbitaalkan aan joogo ayuu ku jiraa,Caruur uu awoow u yahaybaa jirta markaa maadaama odayga Cusbitaalka lagu hayo kuwii yaryaraabaa Bambo Gacmeed uu odaygu lahaan jirey kasoo qaatay guriga,markaasbay gargaraacen waanay la qaraxday”

Agaasime Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sii raaciyey “Caruurta ay Bambadu la qaraxday waa Shan Caruur ah,Booliska oo caruurta anaga noo keenay mid ahaan oo googo’ay ayay halkii kaga yimaadeen oo 10 jir ah,Afartii kale oo dhaawac ahbay soo qaadeen,Laba kamid ah ayaa dhaawac culus ah waliba Inan (Gabadh Yar) ayaa dhaawac culus ah oo ay ka gashay Margiga oo Alle wuu uga ilaaliyey Hunguriga iyo Waliba Hungur Cadka cuntada,ta kalena halkaa Sarcanta ee Xubinta Taranka agteeda ayuu faliidh ka galay oo wuu fogaaday markaa qaliin ayey u baahan yihiin labaduba,waxaanan usoo gudbinay cusbitaalka Hargeysa labadaasi Hablood ee dhaawaca culus qaba,labadii kalena xaaladooda caafimaad waa la tacaalaynaaa waana wadnaa wali dabiibkooda oo cusbitaalka Wajaale ayay yaalaana waana dhaawac fudud”sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Cusbitaalka Wajaale oo Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay.

 

Magacyada Caruurta bamgacmeedu ku qaraxday:

  • Xasan Cabdi Jicsid waxa uu qabaa dhaawac fudud
  • Xuseen Cabdi Jicsid Waxa uu qabaa dhaawac Fudud
  • Safa Maxamed Xaashi Waxay qabtaa dhaawac Culus
  • Ayaan Maxamed Xaashi Waxay qabtaa dhaawac culus
  • Shucayb Maxamed xaashi  Wuu dhintay isaga oo googo’ay.