Warbahinta Dalka Imaraadka Carabta Oo Maanta Bilowdey Barnaamij Lacag Dhan 500 oo Million Loogu Uruurinaayo Abaaraha Dalka Somaliya.

Warbaahinta dalka Imaraadka Carabta ayaa waxaa ay maanta 2:00 duhur nimo

xiliga dalkaasi ay bilowdey barnaamijyo ka bixi doona dhamaan telefishanada dalkaasi oo lacag dan 500 oo million oo Doller loogu uruurin doono abaaraha ka jira dalka Somaliya

Barnaamijkan ayaa bilowmay 2 dii duhurnimo xiliga imaaraadka waxaana uu soconaya ilaa iyo 8 fiidnimo xiliga dalkaasi , dadka ayaa wacaya taleefanada oo wax ku deeqaya.

Waxaa ay arrintan qayb ka ahayd balan qaad Imaaraadku sameeyay markii Madaxweyne Farmaajo Booqday dalkaasi, balanqaadkaasi oo ahaa DH500Million oo ay hageyso Bisha Cas ee Imaaradka in lala soo gaadho Soomaaliya ka hor intaan la gaarin bisha Ramadaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan