Warbixin Ku Saabsan Saxaafadda Somaliland ( Human Rights Centre Quarterly Report On The Situation Of Media In Somaliland)

Maanta wax Xarunta Xuquuqal Insaanku soo saartay warbixinteeda afar bilood laha ah ee ay ku eegto xaaladda saxaafadda Somaliland. Warbixintu waxaay koobsanaysaa xadhiga suxifiyiinta ee ay diiwaangelisay intii u dhaxaysay 10ki December 2016 ilaa 31ka March 2017.

Afartii bilood ee u danbeeyey waxaay diiwaangelisay Xaruntu 11 suxufi oo la xidhay. Todoba ka mid ah waxa lagu xidhay Hargeysa, hal suxufi Saaxil, hal suxufi Sanaag, hal suxufi Sool, suxif kalena waxa lagu xidhay Awdal.

Suxufiyiintaas mid qudha oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa lagu soo oogay dacwad. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dhegaysatay dacwadda Coldoon 4tii iyo 5tii April. Waxaay u mudeeysay 8 April inay ku dhawaaqdo xukunka.

Sidoo kale waxa Maxkamada Rafcaanka Gobolka Hargeysa ay ku dhawaaqday 25kii February 2017 xukun dacwad ciqaab ah oo ka dhan ahayd Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar oo ah madaxda wargeyska la xayiray ee Hubsad. Maxkamaddu waxay ayida xukunkii Maxkamadda Gobolka ee cadeeyey inaanay wax dembi ah gelin suxufiyiintu. Weli se waxa xayiran wargeyska Hubsad oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u baahan yahay inuu dhamaystirto waxyaalo ay sheegtay maxkamadu inuu ka dhiman yahay.

Xaruntu waxaay ku talisay in la joojiyo xadhiga iyo dacwadaynta suxufiyinta islamarkaana in la ogolaado in la diiwaangeliyo warbaahin cusub iyada oo aan la is hortaagayn in kuwa jira cid kale la wareegto. Waxaay ku talisay in la joojiyo xeerka ciqaabta ee loo adeegsanayo warbaahinta. Waxaay kula talisay ururada bulshada rayidka ah inay gacan qabtaan oo taageeraan warbaahinta iyo suxufiyiinta Somaliland oo aan la dayicin. Xaruntu waxaay ku baaqaysaa in xayiraadda laga qaado wargeysyada Haatuf, Hubsad iyo Codka Shacabka.

Halkan Guji Quarterly report April 2017