Xukuumada somaliland Oo Shaacisay Inay Ku Daba Jirto Cidii Ka Dambaysay Dadkii Lagu Laayey Bada Yeman, Fariina U Dirtay Waalidiinta Dhalay Ubadkii Dhintay

Hargeisa(GNN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay inay ku hawlan tahay sidii loo cadayn lahaa cida lahayd masuuliyada dadkii dhawaan lagu xasuuqay bada Yeman.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada somaliland Axmed Aadan Ismaaciil(Kayse) oo la hadlay warbaahinta ayaa fariin u diray waalidiinta dadkii lagu laayey bada Yeman, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu halkan uga sheegaynaa waalidiinta ubadkoodu ku dhinteen doontii lagu duqeeyey bada wadanka Yeman inaanu u samaynay xoghayaha gaarka ah ee safaarada Yeman oo Maxamed Maxamuud Maxamed la yidhaa, waalidiinta inaanu ka wada shaqayno haddii la aasayo maydkaas iyo hadii aanu kala hawl galayno inaanu raadino cidii ka dambaysay dhimashadaas.”

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa


sii wata ayaa intaas raaciyey ““Anaga oo sharci yaqaano iyo hay’adda Qaxoontiga aduunka ee UNHCR iyo hay’adda Socdaalka ee IOm kaashanayna ayaanu raadinaynaa cidii dadkaas u gaysatay dhimashada iyo dhaawaca, isla markaana aanu kala hawl gano waalidiinta wixii mag ah ama mag dhaw ah ee ay heli karaan.”